​Ciidamada Iraq oo la wareegay deegaano ku dhow Mosul

Image
Image
Image
Image

Dullaan xoog leh oo ay qaadeen ciidamada dowladda Ciraaq oo taageero ka helay ku Kurdishka, Suniyiinta iyo waliba Shiicada, ayaa wararku sheegayaan inay dagaal kula wareegeen dhul lagu qiyaasay in kabadan 200KMsq.

Duqayn iyo dagaal xoog leh ayaa kasocdo magaalada Mosul oo ah goob ay ku xoogan yihii ururka isku magacaabay dowladda Islaamiga ah ee ISIS.

Qaramada Midoobay ayaa la socoto howlgalkan ay iclaamisay xukuumadda Baqdaad, waxaana magaalada la weeraray ku sugan in ka badan 1 Malyan iyo bar shacab ah.

Lama oga inta uu qaadan doono howlgalkan oo wararku sheegayaan inay ka qayb galeen diyaaradaha dagaalka ee xulafada la jirta Maraykanka.

IS, ayaa dhankeeda weerartay Taangiyo ay leeyihiin ciidamada Ciraaq iyagoo adeegsaday baabuur lagasoo buuxiyay walxaha qarxa

Wariyaasha ku sugan jiida hore, ayaa sheegay in ka yar 40KM in ciidamada huwanta ah u jiraan duleedka magaalada Mosul.

Isuduwaha arrimaha Gar-gaarka ee Qaramada Midoobay ee dalka Ciraaq, ayaa warbaahinta u sheegay inay ku howllanyihiin sidii gar-gaar loo gaarsiin lahaa dadka kasoo cararaya colaaddaha ka taagan waddankaasi.

Daacish, aya saddexdii bilood ee ugu dambaysay lumisay dhul aad u wayn, waxaana sii wiiqmaysay xooggii ay ku lahayd bariga dhexe.

GAROWEONLINE

Related Articles

WHO: 1.23 milyan oo qof ayaa sanadkii la soo dhaafay ku dhintay TB

Sanadkii la soo dhaafay, $5.9 bilyan ayaa la heli jiray si loogu isticmaalo ka hortagga, ogaanshaha iyo daaweynta TB-ga.

  • Caalamka

    13-11-2025

  • 01:15PM

Donald Trump oo codsi u diray Madaxweynaha Israa’iil si uu u cafiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu

Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu ama dhinaca garsoorka Israa’iil.

  • Caalamka

    12-11-2025

  • 01:45PM