Ciidamada Israel oo rasaas ku furay Falastiiniyiin dibadbaxayay

Image

Rabshado cusub ayaa maanta ka dilaacay dhowr magaalo oo ku yaalla dalka Falastiin kuwaasi oo billowday markii ay isku dhaceen dibadbaxayaal caraysan iyo ciidamada Israel.

Dibadbaxyada rabashadaha wata ayaa kala kala dhacay magaalooyinka Daanta Galbeed, Gaza iyo bariga Qudus, halkaasi oo tan iyo todobaadkii tagey ay ka socdeen isku dhacyo u dhaxeeya ciidanada Israel iyo Falastiiniyiinta.

Ciidamada Israel ayaa rasaas ku furay dibadbaxayaasha Falastiiniyiinta iyadoo ay dhaawaceen dhowr dhalinyaro ah, oo kamid ahaa dadka isagu soo baxay maanta salaadii jimcaha kadib wadooyinka Daanta Galbeed.

Warbaahinta dalka Falastiin ayaa xaqiijisay in ciidamada Yahuudda ay toogasho ku dileen hal nin oo Falastiini ah deegaanka al-Bireh, oo 15KM dhanka waqooyi uga beegan magaalada Qudus.

Rabshadaha ka socda Falastiin ayaa qarxay kadib markii Madaxweyne Trump uu 6-dii bishan ku dhawaaqay in Qudus ay tahay caasimadda Israel.

Trump ayaa go'aankiisa kala kulmay cambaareyn caalami ah, iyadoo dunida Muslim-ka ah ay ka socdaan dibadbaxyo looga soo horjeedo in Qudus loo gacan geliyo Yuhuudda.

Shir ay hogaamiyaasha Ururka Iskaashiga Islaamka ay ku yeesheen 13-ka bishan ayay uga hadleen arinta Qudus, waxayna ugu baaqeen Trump inuu ka laabto mowqifkiisa oo ay ku tilmaameen mid abuuri kara xasilooni darro gobolka bariga dhexe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

WHO: 1.23 milyan oo qof ayaa sanadkii la soo dhaafay ku dhintay TB

Sanadkii la soo dhaafay, $5.9 bilyan ayaa la heli jiray si loogu isticmaalo ka hortagga, ogaanshaha iyo daaweynta TB-ga.

  • Caalamka

    13-11-2025

  • 01:15PM

Donald Trump oo codsi u diray Madaxweynaha Israa’iil si uu u cafiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu

Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu ama dhinaca garsoorka Israa’iil.

  • Caalamka

    12-11-2025

  • 01:45PM