Ciidamada Israel oo weeraray Gaza

Image

Milatariga Israel ayaa xalay duqeymo la beegsaday Marinka Gaza, ayaga oo sheegay inay ka jawaabayeen boqolaal gantaal oo Israel looga soo tuuray Gaza.

Ciidamada difaaca Israel ayaa maanta sheegay in diyaaradahooda dagaalka ay beegsadeen bartilmaameedyada kooxaha Xamas iyo Islamic Jihad ee Gaza, islamarkaana “Xamas ay qaadi doonto cawaaqibka ficilladeeda:

Kooxaha caafimaadka Israel ayaa sheegay in hal qof lagu dilay gantaallo is-daba joog ahaa oo billowday galabkii Isniinta.

Ciidamada milatariga Israel ayaa sheegay in tirada gantaallada ee Israel looga soo tuuray Gaza ay yihiin 370, kuwaasi oo boqol ka mid ah uu qabtay habka difaaca gantaallada Israel ee Iron Dome.

Dhinaca Falastiin, saraakiisha ayaa sheegay in duqeymaha Israel lagu dilay saddex qof, oo ay ku jiraan laba mintidiin ah, islamarkaaana sagaal kale lagu dhaawacay.

Ciidamada Israel ayaa sidoo kale burburiyey dhismaha taleefishinka Al-Aqa ee Xamas. Shaqaalaha Taleefishinka ayaa ka baxay dhismaha ka hor weerarka, kadib digniinta ciidamada Israel.

VOA 

Related Articles

Israel: Netanyahu Ka Badbaaday Isku Day Dil

Xiritaanka haweeneydan ayaa qeyb ka ah taxane ah isku dayo hore oo lagu fashiliyay in lagu dilo Netanyahu.

  • Caalamka

    23-07-2025

  • 01:43PM

Aqalka Cad oo shaaciyey in nooca xanuunka Trump laga helay

Afhayeenka Aqalka Cad, Karoline Leavitt, ayaa sheegtay in xanuunka lagu arkay baaritaan caafimaad oo dhowaan la sameeyey.

  • Caalamka

    19-07-2025

  • 07:15AM