Ciidamada Isra’iil oo toogtay 72 jir haweenay u dhalatay Falastiin

Image

07 November, 2015(GO)-Ciidamada Yuhuudda ayaa galinkii dambe shalay toogtay haweenay 72 jir u dhalatay dalka Falastiin, xilli ay maraysay dhulka Israa’iil xoogga ku haysato.

Thawarat Ashrawi, ayaa la toogtay iyadoo wadata gaarigeeda, doonaysayna inay Baasiin ka qaadato goob shidaalka lagu iibiyo oo ku taalla magalada Hebron oo dhacda daanta Galbeed.

Qoyska haweenayda la dilay ayaa sheegay in Thawarat aysan galabsan wax dambi ah, balse qorsheheedu ahaa siday shidaal u iibsan lahayd.

Ciidanka Yuhuudda war ka soo baxay ayaa ka duwan kan qoyska Thawarat Ashrawi sheegayaan, waxaana ciidamada Milateriga Isra’iil tilmaameen in haweenaydan ku socotay saldhig ciidankoodu ku leeyihiin Hebron ka hor intaan la toogan.

Arrintan ayaa noqonaysa dhacdadii labaad oo isla maalin gudaheed ku kacaan ciidamada Isra'iil, waxaana Gaza lagu dilay Salameh Abu Jamaa oo ah 23 jir u dhashay Falastiin.

Dhan kale, dagaal ayaa ka dhacay Waqooyiga iyo bartamah Gaza, waxaana ku dhawacmay 38 ruux oo 29 ka mid ah ciidamada Yuhuudu u adeegsadeen rasaas nool.

Muddo, waxaa dalka Falastiin ka aloosnaa rabshado u dhaxeeya ciidamada Israa’iil shacabka dalkaasi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM