Ciidamada Maraykanka oo la beeniyay inay Aadeen Kuuriyada Waqooyi

Image

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya socdaal dhinaca badda ah oo ay sameeyeen ciidamada Maraykanka oo adeegsanaya Maraakiib iyo diyaarado dagaal.

Waxaa la sheegay markii hore in ciidamada u jihaysanyihiin dhinaca Kuuriyada Waqooyi, balse hadda waxaa soo baxaya war kaas ka duwan.

Sida laga soo xiganayo saraakiil katirsan waaxyaha difaaca Maraykanka, ciidamada la diray ayaa marka hore tababar la soo sameyn doonaan ciidamada Australia.

Isbuucii tagay, madaxweyne Trump wuxuu sheegay in ciidamadooda loo yaqaano 'armada' uu u diray Kuuriyda Woqooyi.

Laakiin Waxaa lagu warramayaa in maraakiibta dagaalka ee Mareykanka ay aadeen dhanka Sunda ee badweynta Hindiya.

Dadka la socda arrimaha ayaa ilaa hadda su’aal galinaya qorshaha ka socday  Galbeedka badda Pacific-ga, waxaana loo badinayaa inuu is-khilaafsanyahay go’aanka Trump iyo ciidamadiisa.

Socdaalka cududa Maraykanka ayaa la rumaysanyahay inay tahay mid lagu cabsiinayo hogaamiyaha mayalka adag ee dalka Kuuriyada Waqooyi kaasoo wacad ku maray inuu jab xooggan u gaysan doono Maraykanka.

Isagoo ka hadlayay todobaadkii hore dabaal degga ciidankiisu samaynayay wuxuu ka digay daan-daansiga Maraykanku uu ku hayo gobolka.

Maamulka Pyongyang oo heegan buuxa galiyay ciidankiisa, wuxuu sheegay in isbuuc kasta uu hal gantaal tijaabindoono, iyagoo ku hanjabay "dagaal aan waxba la isula hari", haddii Mareykanka uu duullaan qaado.

"Haddii Mareykanka uu qorsheynayo duullaan militari, waxaan uga jawaabi doonnaa nukliyer", ayuu yiri ku xigeenka wasiirka arrimaha dibadda ee North Korea, Han Song-ryol.

Lama oga sida xaalku ku dambayn doono, balse waxaa gobolka ka jira cabsi xooggan oo ah in labada dhinac uu ka dhex-qarxo dagaal xoog leh.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM