Ciidamada Nigeria iyo Boko Haram oo ku dagaalamay Maiduguri

Image

February 2, 2015 (GO)- Dagaal xoogan ayaa magaalada Maiduguri ee ku taalla waqooyi-bari dalka Nigeria ku dhex maray ciidamada dalkaas iyo mileeshiyaad ka tirsan kooxda xagjirka ah ee Boko Haram.

Af-hayeen u hadlay wasaarada amniga Nigeria ayaa sheegay in ciidamada oo taageero ka helaya dadka deegaanku ku guuleysteen inay iska caabiyaan weerarka Boko Haram islamarkaana dib u riixeen kooxihii duulaanka soo qaadey.

Af-hayeenku wuxuu intaas ku daray in xilligan xaaladu tahay mid degen ammaankana si buuxda ciidamadu gacanta ugu hayaan.

Weerarka kooxda Boko Haram kusoo qaadey magaalada Maiduguri oo ah kii labaad muddo bil gudaheed ah, wuxuu kusoo aadayaa xilli labo todobaad oo qura ka harsan yihiin xiliga ay dalkaas doorashada madaxtinimadu ka dhaceyso.

Shir-madaxeedkii dalalka Midowga Afrika ee labo maalmood kahor kusoo gaba gaboobey magaalada Addis Ababa ayaa lagu go'aamiyey in ciidamo gaaraya 7,500 loo diro dalka Nigeria, si ay dowlada dalkaas gacan uga siiyaan dagaalka ay kula jirto kooxda Boko Haram.

Weerarada Boko Haram, waxaa laga soo bilaabo sanadkii 2009 ku geeriyoodey ku dhowaad 10,000 oo qof oo rayid u badan, waxaana ku barakacay dad ay tiradoodu kor u dhaafeyso hal milyan oo qof.

GAROWE ONLINE + Al Jazeera

Related Articles

Trump: Waan ognahay halka uu Khamenei ku sugan yahay, Ma rabno inaan dilno hadda!

Dhinaca kale, Iran ayaa sheegtay in 224 qof lagu dilay, in ka badan 1,000 kalena lagu dhaawacay duqeymaha Israel.

  • Caalamka

    18-06-2025

  • 09:25AM

Netanyahu oo qorsheynaya Dilka Ayatollah Ali Khamenei

Netanyahu wuxuu sheegay in Iran ay rabto “colaad joogto ah” taasoo, sida uu sheegay, keentay in la gaaro xuduudka dagaal nukliyeer ah.

  • Caalamka

    17-06-2025

  • 02:57PM