​Ciidamada Siiriya oo Daacish kala wareegay Palmyra

Image

Ciidamada waddanka Suuriya oo gacan ka helay diyaaradaha dagaalka ee dalka Ruushka ayaa gacanta ku dhigay magaalada qadiimiga ah ee Palmyra taasi oo gacanta ugu jirtay mallayshiyaad katirsan ururka Daacish.

Telefishinta xukuumadda Bashaar al-Asad ayaa baahiyay inay gacan ku haynta magalada la wareegeen ciidankoodu, wuxuuna intaasi raaciyay in xaaladdu dagantahay.

Xarun u dooda xuquuqda aadanaha oo laga leeyahay dalka Britain balse fadhigiisu yahay Siiriya ayaa shaaciyay in saakadii hore la maqlayay rasaas xooggan waxayna sheegeen inay macquul tahay dhibaatooyin loo gaystay dad shacab ah.

Palmyra, ayaa ahayd wixii ka horeeyay 2011 magaaloo losoo dalxiis tago maadama ay ku yaalleen dhismayaal qadiimi ah, laakiin waxaa xarumahaasi bur-buriyay kooxda Daacish mudadii ay gacanta ku haysan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM