Ciidamada Sucuudiga iyo fallaagada Yemen oo ku dagaallamay xadka

Image

June 6, 2015 (GO)- Ku dhowaad soddon qof ayaa ku geeriyoodey dagaal militeriga Sucuudiga iyo mileeshiyaadka Xuuthiga oo kaashanaya ciidamo daacad u ah madaxweynihii hore ee Yemen ku dhex maray xadka u dhexeeya Yemen iyo Sacuudiga.

Af-hayeen u hadlay isbahaysiga Sucuudigu hoggaamiyo ee duqeymaha ka wada Yemen ayaa sheegay in dagaalka ay ku dhinteen afar askari oo ka tirsanaa ilaalada xadka Sucuudiga iyo tobannaan ka tirsan mileeshiyaadka Xuuthiga.

Weerarka waxaa soo qaaday mileeshiyaadka iyagoo soo weeraray saldhigyo ciidamada Sucuudigu ku leeyihiin gobollada Najraan iyo Jiizaan.

Dagaalkan ayaa kusoo aadaya maalin kadib markii diyaaradaha isbahaysigu duqeyn xooggan ka geysteen magaalada Sanca ee xarunta dalka Yemen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM