Ciidamada Turkiga oo sheegey iney la wareegeen awooda dalkaas

Image
Image
Image

ISTANBUL-  Ciidamada Turkiga ayaa sheegey in maalimadii Jimcaha la wareegeen awooda dalkaas, halka RW dalkaas yiri inqilaabkaan waxaa uu ahaa isku day fashilmey.

Ciidamada dalkaas ayaa la wareegey garoonka diyaardaha ugu weyn dalka Turkiga, xarunta talefishinka iyo labada buundo ee ugu weyn magaalada Istanbul Bosphorus iyo Fatih Sultan Mehmet.

Ciidamada ayaa talefishinka dalkaas ka sheegey iney wadanka qabsadeen islamarkaana dib u soo celinayaan Dastuurkii iyo dimoqaraadiyadii dalka ka jirtey.

Madaxweynaha dalka Turkiga ayaa Talefishin gaar loo leeyahay kala soo hadley taleefinkiisa " FaceTime" isaga oo dadka ka codsadey in dadka jidadka isugu soo baxaan oo diidaan inqilaabka Ciidamada.

Wararka kasoo kordha inqilaabka kala Riix Halkaan 

GAROWEONLINE 

Related Articles

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM

Madaxweynaha Suuriya oo gaaray Maraykanka kadib markii laga saaray liiska argagixisada

Safarka Al-Sharaa ayaa loo arkaa mid calaamad u ah isbedel cusub oo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Washington iyo Dimishiq.

  • Caalamka

    09-11-2025

  • 07:15AM