​Ciidamada Turkiga oo weerar ku qaadey xarunta Daacish ee Syria

Image

Ciidamada Turkiga ayaa duulaan ku qaadey magaalada Raqqa, oo xarun u ah xoogaga Daacish ee ka dagaalama Waqooyiga dalka Syria.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in hadafka howlgalka ciidamadiisu uu yahay sidii Daacish uga saari lahaayeen goobaha ku dhaw xadka Turkiga iyo Syria.

Wuxuu tilmaamay mudane Erdogan inay ka dhigi doonaan meel nabad ah deegaanada ku dhaw xadkooda, islamarkaana ay ka sifeyn doonaan masaafo dhan 5,000-km oo Square ah.

Ciidamada Turkiga oo garab ka helaya xoogaga qunyar socodka ah, oo u dhashay Syria ayaa dhawaan ka saarey ISIL degmada Al Bab, kadib weerar ay qaadeen bishii October sannadkii hore.

Turkiga, waxaa saameeyay dagaalka Syria, ee u dhaxeeya Mucaaradka ay Daacish kamid tahay iyo ciidamo daacad u ah dowladda Madaxweyne Bashar Al Asad.

Dagaalka Syria oo billowday Maarso, 2011 ayaa waxaa ku naf-waayay in kabdan 700,000 oo qof, oo u badan dad shacab ah, waxaana colaaddaasi ay burburisay guud ahaan Syria.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM