​Ciidamada Turkiga oo weerar ku qaadey xarunta Daacish ee Syria

Image

Ciidamada Turkiga ayaa duulaan ku qaadey magaalada Raqqa, oo xarun u ah xoogaga Daacish ee ka dagaalama Waqooyiga dalka Syria.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in hadafka howlgalka ciidamadiisu uu yahay sidii Daacish uga saari lahaayeen goobaha ku dhaw xadka Turkiga iyo Syria.

Wuxuu tilmaamay mudane Erdogan inay ka dhigi doonaan meel nabad ah deegaanada ku dhaw xadkooda, islamarkaana ay ka sifeyn doonaan masaafo dhan 5,000-km oo Square ah.

Ciidamada Turkiga oo garab ka helaya xoogaga qunyar socodka ah, oo u dhashay Syria ayaa dhawaan ka saarey ISIL degmada Al Bab, kadib weerar ay qaadeen bishii October sannadkii hore.

Turkiga, waxaa saameeyay dagaalka Syria, ee u dhaxeeya Mucaaradka ay Daacish kamid tahay iyo ciidamo daacad u ah dowladda Madaxweyne Bashar Al Asad.

Dagaalka Syria oo billowday Maarso, 2011 ayaa waxaa ku naf-waayay in kabdan 700,000 oo qof, oo u badan dad shacab ah, waxaana colaaddaasi ay burburisay guud ahaan Syria.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hoggaamiyeyaasha dalalka Muslim-ka oo ku Shiraya Doha si ay uga Jawaabaan Duqeyntii Israa’iil ee Qatar

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Khamiistii si mid ah u cambaareeyay weerarka Israa’iil ku qaaday Qatar.

  • Caalamka

    14-09-2025

  • 10:37AM

Haweeneydii Ugu Horreysay oo Ra’iisul Wasaare ka Noqotay Nepal Kaddib Kacdoonkii Ka Dhanka Ahaa Musuqmaasuqa

Maalintii Talaadada, dad careysan ayaa dab qabadsiiyay dhismayaal dowladeed iyo xarunta baarlamaanka.

  • Caalamka

    13-09-2025

  • 05:34AM