Ciidamadda Hindiya oo gacanta ku dhigay Doon ka baxdey Soomaaliya

Image

NEW DEHLI, India – Ciidamadda ilaalada xeebaha Hindiya ayaa subaxnimadii Sabtida waxay gacanta ku dhigeen Doon ka baxdey Soomaaliya taasoo ay la socdeen 13 shaqaale, sidda ay warisay saxaafada maxaliga.

Mareegga Indiatimes.com ayaa wariyey in qabashadda Doontaan kusii jeeda magaalada xeebta leh ee Mundra ay ka dambeysay markii ay ku lug-yeelatay falal la tuhmay, wallow uusan fahfaahin dheeraad ah.

Bogga oo soo xigtay illo wareedyo uusan magacaabin ayaa intaas ku daray in lagu bilaabayo baaritaano lasoo bandhigi doono natiijadooda.

Hasayeeshee, lama ogga magaalada Soomaaliya kamid ah oo ay ka shareecatay Doontaan oo aysan si lamid ah caddeyn shixnada ay wadday.

Xeebaha Soomaaliya ayaa lagu tirayaa in ay kamid yihiin kuwa ugu ammaanka liita guud ahaan caalamka ayna ka dhacaan fal-dambiyeedyo ay kamid yihiin kalluumeysi sharci darro ah iyo burcad-badeednimo.

Si looga hortago ama loo baajiyo dambiyadaas, waxaa biyaha Soomaaliya lagu soo daabulay ciidamo caalami ah kuwaasoo sameeya howlgalo iyo roondooyin joogto ah, wallow dhankooda ay wajahayaan eedeymo.

Eedeymaha loo jeediyo waxaa kamid ah in ay ku lug-leeyihiin falalka jariifka kaluunka ayna heshiis kula jireen shirkado caalami ah.

Dowladda Japan ayaa todobaadkii hore waxay muddo hal sano ah ku cusbooneysiisay howlgalka ciidamadeeda jooga biyaha Soomaaliya, kuwaasoo muddo xileedkooda uu ku ekaa horaanta November, sanadkan 2020-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo carqaladeysay gargaarkii Gaza xili ay jirto xabbad-joojin

Gudaha Gaza, dhaqdhaqaaqyada u baahan isku-duwidda ciidamada Israa’iil ayaa iyaguna la kulmaya caqabado.

  • Caalamka

    17-02-2026

  • 08:22AM

Ciidamo Mareykan ah oo Gaaray Waqooyiga Nigeria

Toddobaadkii dhammaadkiisii hore, rag hubeysan oo watay mootooyin ayaa weera…

  • Caalamka

    17-02-2026

  • 07:44AM