​Ciidamo Turki ah oo lagu dilay Suuriya

Image

Ciidamada Turkiga ayaa sheegay in 3 kamid ah ciidamadooda ku sugan Suuriya lagu dilay duqeeyn ay uu geeysatay diyarad looga shakiyay in ay leedahay dowladda Suuriya. Wuxu sidoo kale turkigu sheegay in tiro kale oo ciidankiisa ah lagu dhaawacay duqeyntaasi.

Weerarkaasi ayaa ka dhacay subixii hore ee maanta magaalada Al Bab ee waqooyiga Suuriya, halkaas oo ciidamada Turkiga ay gacan ku siinayaan dagaalyahanada mucaaradka iyo kuwa Kurdiyiinta ee dagaalka kula jira kooxda iskugu yeerta Dowladda Islaamiga.

Waa markii ugu horeysay oo la sheego in ciidamada dowladda Suuriya ay dileen askarta Turkiga ee halkaasi ku sugan tan iyo markii ay ciidamada Turkiga bilaabeen howlkalka ka dhanka ah kooxda Daacish 3 bilood ka hor.

Wariyayaasha ayaa sheegay in tani ay sare u sii qaadi karto xiisadda u dhaxeeysa Ankara iyo Dimishiq.

BBC

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM