​Ciraaq: Qarax khasaaro gaystay oo ka dhacay Baqdaad

Image

BAQDAAD- Booliiska magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq ayaa xaqiijiyay dhimashada in kabada siddeed ruux iyo dhaawaca 20 kale oo ay ku jiraan xubno katirsan Boliiska magaaladaasi xilli uu weerar fuliyay nin isku soo xiray walxaha qarxa.

Weerarka ayaa ka dhacay  degmada Kadhimiyah oo ah goob ay ku badanyihiin shiicada, waxaana lala beegsaday bar kantarool oo ay ku sugnaayeen ciidamo Booliis ah sida ay xaqiijiyeen laamaha ammaanka.

Dadka dhaawacmay ayaa haatan lagu dabiibayaa Kadhimiya hospital, waxaana la sheegay in xaaladda dadka qaybtiis aad u liidato.

Majirto cid sheegatay mas'uuliyadda qaraxaasi ka dhacay Koonfur Galbeed magaalada Baqdaad.

Baqdaad ayaa xarun u noqotay weeraro iyo qaraxyo ay fulinayaan kooxda isku magacowada khilaafada Islaamiga ah, waxaana weeraro dhacay 03 July ku dhintay in kabadan 300 oo ruux kaasoo noqday midkii ugu xumaa tan iyo 2003 markaasoo dalka Ciraaq galeen ciidamada Maraykanka.

Qaramada Midoobay ayaa caddeysay in sannadkan gudahiisa dalka Ciraaq lagu dilay in kabadan 3,000 shacab ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM

Madaxweynaha Suuriya oo gaaray Maraykanka kadib markii laga saaray liiska argagixisada

Safarka Al-Sharaa ayaa loo arkaa mid calaamad u ah isbedel cusub oo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Washington iyo Dimishiq.

  • Caalamka

    09-11-2025

  • 07:15AM