​Clinton iyo Trump oo guulo ku gaaray New York

Image

Wararka aan ka helayno doorashada maanta ka dhacaysa magalada New York, ayaa la sheegay inay guulo gaareey murashaxiinta kala ah Hillary Clinton iyo Donald Trump.

Codbixintan ayaa qayb ka ah isreereebka murashaxiinta xisbiyada Maraykanka.

Clinton ayaa si aan dhib badnayn uga badisay Bernie Sanders oo la tartamayey, waxayna u sheegtay taageerayaashiisa in ay jiraan wax badan oo midayn kara.

Trump ayaa isna isu diyaarinaya inuu ku guulaysto ku dhawaad dhamaanba codadka 95ka ergo ee xisbiga jamhuuriga ee loo tartamayey ee gobolka uu ka soo jeedo.

Khudbadiisii guusha ayuu Trump ku sheegay in Senator Ted Cruz xisaab ahaan marka la fiiriyo uu ka haray tartanka musharaxnimada xisbiga.

Trump ayaa sheegay in dadka reer New York ay siiyeen guul muhiim ah.

Labada tartame ayaa horay guulo waaweyn uga gaaray gobollada qaybtood, inkastoo ay jiraan meelo murashaxiinta kale ku cod badnaadeen, waxaana Donald uu yahay ninka ugu cad cad xisbiga Jamcuuriga.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM