​Clinton oo noqotay murashaxa xisbiga Dimuqraadiga

Image

Xoghayihii hore Arrimaha Dibadda dalka Maraykanka ayaa xisbiga Dimuqraadiga waddankaasi u doortay inay noqoto murashaxa madaxweynaha ee matalaya doorashada dhacaysa bisha November ee sannadkna 2016.

Shir-weynaha xisbigaasi ayaa lagu shaaciyay in Hillary Clinton tahay ruuxa ay wakiisheen iyadoo kasoo adkaatay ninka laloolamayay Vermont Bernie Sanders.

Senotar Sanders oo kula tartamey doorashada xisbiga dhexdiisa aheyd, waxa uu ka sheegay shirka in uu jeclaan lahaa in nidaamka la marayo marka la magacaabayo musharaxa la joojiyo oo si toos ah Hillary loo magacaabo.

Arrintan ayaa noqotay taageero lamid ah tii ay Clinton sameysay 8 sano ka hor markii ay mikrafoonka ku soo dhawaatay si ay u ayiddo taageerana ugu muujiso Barack Obama oo tartankii is reereebka kaga soo adkaaday xisibiga dhexdiisa.

Xisbigan ayaa muujiyay taageero iyo isku xirnaan buuxda waxayna sheegeen in mowqifkoodu yahay sidii ay madaxtinimada waddanka mar labaad u hanan lahaayeen.

Bill Clinton sayga murashax Hillary ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay doorashada afadiisa isagoo tilmaamay inay u qalabto jagada loo igmada isagoo intaasi ku daray in wax ka dhacay shirweynaha xisbiga uu yahay arrin taariikhi ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM

Madaxweynaha Suuriya oo gaaray Maraykanka kadib markii laga saaray liiska argagixisada

Safarka Al-Sharaa ayaa loo arkaa mid calaamad u ah isbedel cusub oo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Washington iyo Dimishiq.

  • Caalamka

    09-11-2025

  • 07:15AM