​Codbixinta doorashada Uganda oo socota

Image

Waxaa dalka Uganda ka bilaabatay codadynta ragga u tartamaya madaxtinimada waddankaasi oo ku jiro hogaamiyaha mudada dheer soo talinayay ee Yoweri Museveni, iyadoo bartanka lagaga jiro eedaymo sheegaya inay jiraan goobo agabka codbixinta la gayn iyo kuwo xilli dambe la furay. 

Goobaha codbixintu goordambe bilaabatay, waxaa kamid ah Caasimadda Kampala oo ah meesha laga xukumo gudiga doorashada qaybo ka mid ah, waxaana qoraal guddigu soo dhigay bartooda Twitterka shacabka u sheegeen inay isdajiyaan oo niyad wanaag muujiyaaan, waxayna ka cududaarteen daahitaanka xarumaahaasi. 

Madaxweyne Yoweri Museveni oo dalkaasi ka talinayay muddo sodon sana ah ayaa doonaya in uu xilka sii hayo, hasayeeshee waxaa uu tartan adag la galayaa ninka ugu cadcad mucaaradka ee Kizza Besigye iyo Ra'iisul Wasaarihii hore ee Amama Mbabazi. 

Doorashadan, waxaa sidoo kale ku lifaaqan codbixinta Barlamanka iyadoo Codbixiyayaasha dooranayaan Xildhibaannada  iyo hogaamiyayaasha maxaliga ah. Hasayeeshee waxaa dalka ka jira walaac kaddib qalalaasihii dalkaasi ka dhacay maalintii Isniinta.

Musharaxa guuleysanaya ayaa laga doonayaa in uu helo in ka badan 50%  kaas oo noqonaya madaxweynaha Uganda si looga fogaado wareeg kale oo doorasho, waxaana cododkooda dhiiban doono 15 Million oo la diiwaan galiyay.

Wixii kasoo kordha doorashada dib ayaan idiin kasoo gudbin doonaan. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Turkiga oo amar xiritaan usoo saaray Netanyahu iyo mas’uuliyiin kale oo lagu eedeeyay “xasuuqa” Gaza

Amarrada xiritaanka Turkiga ayaa sidoo kale su’aalo ka keenay doorka ay Turkigu ka ciyaari karto ciidamada amniga caalamiga ah ee Gaza.

  • Caalamka

    08-11-2025

  • 06:48AM

Putin oo ku dhawaaqay in Ruushka tijaabinayo Hubka Nuclear-ka

Wararka ka imanaya Kremlin-ka waxay sheegayaan in Putin uu mar kale cadeeyay in haddii Maraykanku sameeyo tijaabooyinkan.

  • Caalamka

    06-11-2025

  • 07:52AM