Cod iyo muuqaal muujinaya dilka Khashoggi oo la helay

Image

Wargeyska Washington Post ayaa qoray in saraakiisha Mareykanka ay ku wargelisay dowladda Turkiga in Ankara ay hayso cod iyo muuqaal caddeynaya in suxufiga Sacuudiga ee Jamal Khashoggi lagu dhex-dilay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul.

Codka iyo muuqaalka ayaa muujinaya in Khashoggi lagu xiray qunsuliyadda labadii October kadib markii uu galay, la jir dilay kadibna la dilay oo jirkiisa la jarjaray, sida ay saraakiil Mareykan iyo Turkish ah u sheegeen wargeyska.

Saraakiishan oo aan la magacaabin ayaa sheegay in codka la hayo uu muujinayo caddeymo aad looga naxo oo ku saabsan xaaladda Khashoggi, sida Washington Post ay tiri.

Warbixinta waxa ay sheegtay inaysan caddeyn haddii saraakiisha Mareykanka ay arkeen ama maqleen muqaalka iyo codka, hase yeeshee saraakiisha Turkiga ayaa kuwa Mareykanka la wadaagay inay hayaan.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khamiistii sheegay in baarayaal Mareykan ah ay joogaan Turkiga, ayaga oo isku dayaya inay go’aan ka gaaraan waxa ku dhacay Khashoggi.

“Qunsuliyadda ayuu galay, kamana soo bixin” ayuu Trump u sheegay barnaamijka Fox and Friends ee taleefishinka Fox News. “Uma muuqato in ninkaas uu hadda nool yahay” ayuu raaciyey.

Saraakiisha Turkiga ayaa sheegay inay rumeysan yihiin in Khashoggi oo aad u dhaliili jiray dhaxal-sugaha Sacuudiga Mohamed Bin Salman ay toddobaadkii tegay dileen koox ka kooban 15 nin oo Istanbul yimid, eedeymahaas oo Sacuudiga ay beeniyeen.

Related Articles

Hoggaamiyaha cusub ee Iran oo weli "qarsoon" iyo shaki ku saabsan noloshiisa

Maqnaanshahan ayaa si weyn uga duwan hab-dhaqankii aabbihii, Ayatollah Ali Khamenei.

  • Caalamka

    22-04-2026

  • 09:29AM

Trump Oo Kordhiyay Xabbad-joojinta Maraykanka iyo Iiraan

Go’aanka ayaa yimid iyadoo wareeg cusub oo wadahadallo ah la filayay, balse xaaladda ay weli mugdi ku jirto.

  • Caalamka

    22-04-2026

  • 07:54AM