Colombia: dowladda iyo jamhadda Farc oo iska kaashanaya miino-saarista

Image

March 9, 215 (GO)- Mileteriga dalka Colombia iyo dagaalyahannada jamhadda Farc ayaa iska kaashanaya bixinta miinooyinka lagu aasey dhulka miyiga ah oo muddo konton sano ka badan labada dhinac ku dagaalamayeen.

Tallaabadan oo ah mid si weyn dadka Colombia usoo dhoweeyeen ayaa timid kadib markii ergooyinka kala meteleya dowladda iyo jamhadda Farc heshiis ku gaareen dalka Cuba oo muddo labo sano ka badan Dowladda Colombia iyo Farc wada hadallo uga socdeen.

Heshiiskan oo fulintiisa khubaro dalka Norway ka socdaa dusha kala socon doonaan, wuxuu dhigayaa in xubnaha meteleya jamhadda Farc ee ka qayb qaadanaya hawlaha miino saarista aan loo ogoleyn inay qaataan hub iyo direys ciidan midna.

Colombia wuxuu kamid yahay wadammada ugu daran kuwa dagaallada sokeeye ka dhaceen ee dhulkiisa miinooyinku ku aasan yihiin.

In ka badan 11,000 oo qof ayaa ku dhintey ama ku dhaawacmey shilal la xiriira miinooyinka ku aasan deegaanada magaalooyinka ka baxsan ee dalka Colombia.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo soo riday diyaarad, duuliye Mareykanka oo la raadinayo

Tehran ayaa kaga jawaabtay weerarro diyaarado aan duuliye lahayn iyo gantaallo ah oo lagu beegsaday Israa’iil, iyo sidoo kale Urdun.

  • Caalamka

    03-04-2026

  • 06:19PM

CC Warsame: Xasan Sheekh wuxuu rabaa doorasho isaga tartame iyo garsoore ka yahay

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa xusay in tallaabadani ay calaamad u tahay marxalad halis ah oo uu dalku galay.

  • Caalamka

    02-04-2026

  • 03:54PM