​Colombia iyo Mucaaradka ELN oo heshiiyay

Image

Dhexdhexaadiyeyaasha ka socday mucaaradka Ciidamada Xoreynta Qaranka ee (ELN) ayaa sheegay in heshiis xabbad-joojin ku meel gaar ah ay la saxiixdeen dowladda Colombia.

Waa markii ugu horreysay ee labada dhinac ay xabbad-joojin gaaraan muddadii lagu guda jiray in ka badan 50 sano oo dagaal ah.

Hadalkan ayaa imaanaya wax ka yar 48 saac kahor booqashada lagu wado in Pope Francis uu ku tago dalka Colombia.

Madaxweynaha Colombia Juan Manuel Santos ayaa sheegay in heshiiskan uu dhaqan geli doono 1-da October uuna socon doono ilaa 12 January.

Qoraalka afka Spanish-ka ku qoran oo ay barta Twitter-ka soo dhigeen, ayay ELN ku sheegeen: "Haa waan awoodnay! Waxaan u mahad celineynaa dhammaan dadkii nagu taageeray inaan gaarno heshiiskan xabbad-joojin."

Dhanka kale, madaxweyne Santos ayaa sheegay in muhiimaddu ay tahay dhowridda muwaadiniinta, inta muddadan lagu jirana, afduubka iyo weerarrada lagu hayo dhuumaha shudaalka iyo tacaddiyada kale ee rayidka ka dhanka ahba aysan dhici doonin.

Dowladda ayaa dhankeeda la sheegay inay horumarin doonto xaaladda mucaaradka ELN ee xabsiyada ku jira iyo inay sare u qaaddo ammaanka hogaammiyeyaasha xuquuqda dadka u dhaqdhaqaaqa, kuwaas oo in badan oo ka mid ah la dilay bilooyinkii ugu dambeeyay.

Wada xaajoodyada ka dhacay caasimadda Ecuador ee Quito ayaa bilowday bishii February - bilooyin un kaddib markii dowladda Colombia iyo kooxdii mucaaradka ugu weyneyd dalkaas ee (Farc), ay heshiis nabadeed saxiixdeen. Farc ayaa kaddib isu beddeshay xisbi siyaasadeed.

BBC

Related Articles

Trump oo diiday inuu booqdo Israa’iil xili uu xumaaday xiriirkii kala dhaxeeyay Netanyahu 

Eldar ayaa intaas ku daray in tallaabadan ay calaamad u tahay isbeddel weyn oo ku yimid xiriirka taariikhiga ah ee Mareykanka iyo Israa’iil.

  • Caalamka

    15-05-2025

  • 04:47AM

Trump oo hurumarka ka muuqda Riyadh ku amaaney Maxamad Bin Salman

Trump wuxuu ku sheegey in horumarka ka muuqda Sacuudiga iyo magaalooyinka kale…

  • Caalamka

    14-05-2025

  • 12:06PM