​Comey: Trump daacad ii noqo ayuu yiri

Image

Guddiga sirdoonka Senate-ka Mareykanka ayaa daabacay caddeyn uu siiyay Agaasimihii FBI-da ee xilka laga qaaday, taas oo uu ku sheegayo in Madaxweyne Trump uu waydiistay inuu faraha ka qaado baaritaanka uu ku hayay lataliyihiisii hore ee dhanka ammaanka.

James Comey, ayaa faafaahin ka bixiyay 5-ta jeer ee ay wadahadleen Madaxweynaha iyadoo markastana uu Trump si ku celcelis ah u dalbanayay inuu daacad u noqdo.

Waxa uu sheegay in Trump uu ku sheegay baaritaanka Ruushka ka dhanka ah "daruur" dul taagan.

Mr Comey ayaa sidoo kale sheegay inuu saddex jeer u sheegay Trump inuusan cadaadis saarneyn oo uusan xaqiijinayn waxa uu madaxweynuhu arrintan kala socdo.

Qareen u hadlay Trump ayaa sheegay in madaxweynuhu uu dareemay inuu nadiif yahay kaddib markii Comey uu u caddeeyay in shakhsiyadiisa aanay ku socon wax baaritaan ah.

BBC

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM