​Comey: Trump daacad ii noqo ayuu yiri

Image

Guddiga sirdoonka Senate-ka Mareykanka ayaa daabacay caddeyn uu siiyay Agaasimihii FBI-da ee xilka laga qaaday, taas oo uu ku sheegayo in Madaxweyne Trump uu waydiistay inuu faraha ka qaado baaritaanka uu ku hayay lataliyihiisii hore ee dhanka ammaanka.

James Comey, ayaa faafaahin ka bixiyay 5-ta jeer ee ay wadahadleen Madaxweynaha iyadoo markastana uu Trump si ku celcelis ah u dalbanayay inuu daacad u noqdo.

Waxa uu sheegay in Trump uu ku sheegay baaritaanka Ruushka ka dhanka ah "daruur" dul taagan.

Mr Comey ayaa sidoo kale sheegay inuu saddex jeer u sheegay Trump inuusan cadaadis saarneyn oo uusan xaqiijinayn waxa uu madaxweynuhu arrintan kala socdo.

Qareen u hadlay Trump ayaa sheegay in madaxweynuhu uu dareemay inuu nadiif yahay kaddib markii Comey uu u caddeeyay in shakhsiyadiisa aanay ku socon wax baaritaan ah.

BBC

Related Articles

Maxkamadda Bangladesh oo la filayo inay dil ku Xukunto Sheikh Hasina

Hasina, oo 78 jir ah, ayaa ku noolayd magangalyada New Delhi tan iyo markii ay ka carartay Bangladesh bishii Agoosto 2024.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 07:10AM

WHO: 1.23 milyan oo qof ayaa sanadkii la soo dhaafay ku dhintay TB

Sanadkii la soo dhaafay, $5.9 bilyan ayaa la heli jiray si loogu isticmaalo ka hortagga, ogaanshaha iyo daaweynta TB-ga.

  • Caalamka

    13-11-2025

  • 01:15PM