​Congo oo loo dareeray doorashada madaxtinimada

Image

Dadka ku nool waddanka Congo ee Afrika ayaa u dareeray goobaha codbixinta maanta oo Axad ah, si ay u doortaan Madaxweynaha cusub ee dalkaasi yeelanayo.

Codbixinta ayaa wararku sheegayaan inay goor hore oo saaka ah bilaabatay, iyadoo la jaray isgaariisnta goobaha codka laga dhiibanayo, waxaana arrintaasi loo aaneeyay ka fogaanshaha shaqaaqooyin dhici kara.

Wakaaladda wararka ee AFP ayaa baahisay in danbinta isgaariisnta uu amray wasiirka arrimaha gudaha waddankaasi muddo 48-saac ah, oo ah inta doorashada lagu guda jiro.

Falan-qeeyaasha siyaasadda dalka Congo ayaa saadaalinaya in doorashada uu ku guulaysan karo Madaxweynaha talada haya ee Denis Sassou Nguesso, kaasi oo kamid ah musharaxiinta u loollamaya hogaaminta dalkaasi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo ku dhawaaqay go'aan cusub oo ku saabsan dagaalka Iran

Xiisadda gobolka ayaa cirka isku shareertay maalintii Axadda ka dib markii Israa’iil ay duqaysay caasimadda Lubnaan ee Beirut.

  • Caalamka

    09-06-2026

  • 09:06AM

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Israa’iil iyo Iiraan 

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in duqeymaha Lubnaan ay jawaab u ahaayeen gantaallo ay Xisbullah ku ridday dhulka Israa’iil.

  • Caalamka

    08-06-2026

  • 08:45AM