Covid-19 oo baqdin ka abuuray shirka kooxda G7 ee London

Image
Image
Image
Image

LONDON, UK - Dhamaan waftigii ka socday Hindida ahaa ee ugu sugnaa Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska wadahadalada shirka wasiiradda arrimaha dibadda ee G7 waxay hay'adda caafimaadka UK ka codsatay inay is-karantiilaan.

Wasiirka arrimaha dibedda ee Hindiya, Subrahmanyam Jaishankar, ayaa shaaca ka dhigay "in uu ku baraarugsanaa soo ifbixidda kiisas la xiriira fayruskan halista badan.

Jaishankar ayaa wuxuu si shaqsi ah ula kulmay Xoghayaha Arimaha Gudaha Uk, Priti Patel, maalintii talaadada, balse hada wuxuu dhaqan-gelin doonaa dhamaan kulamada qorshaha ugu jiray.

Hindiya ayaan xubin ka ahayn kooxda G7 oo ah wadamadda hoddanka ah ee guud ahaan aduunka, laakiin wufuud ka socota waddankaas ayaa lagu casuumay marti ahaan.

Diblumaasi sare oo reer UK ah ayaa, sida ay kasoo xigatay warbaahinta maxaliga ah, wuxuu tibaaxay in ay "aad uga xun yihiin" Mr Jaishankar in uusan si shaqsi ah uga soo qeyb geli karin kulanka.

"[Isagu] hadda wuxuuu kaga soo qeybgeli doonaa qaab fogaan arag ah, laakiin tani waa sababta dhabta ah ee aan u diyaarinnay hab maamuus adag oo Covid ah iyo baaritaan maalinle ah," ayuu raaciyay diblomaasiga.

Kooxda G7 - oo ah toddobada qaran ee ugu weyn adduunka dhinaca dhaqaalaha ugu horumarsan - ayaa waxay ka kooban yihiin UK, Canada, France, Germany, Italy, Japan iyo Mareykanka.

Shirka rasmiga ah ee ay ka kooban yihiin hogaamiyaasha G7 ayaa ka dhacaya Cornwall bisha soo socota, laakiin wasiiro arrima dibadeedyadda ayaa hada ugu sugan UK wadahadalo saddex maalmood soconaya.

Wadaxaajoodyadda todobaadkan waa shirarkii ugu horeeyey ee fool ka fool ah ee ay yeeshaan awoodaha G7 in kabadan laba sano tan iyo markii uu dilaacay safmareenka dunida kala xiray ee Coronavirus.

India oo hada si xun uu ugu faafay Covid-19, Australia, South Korea iyo South Africa ayaa waxaa lagu casuumay in shirka ay kaga soo muuqdaan qaab marti ahaan iyaddoo Britain ay isku dayeyso inay xiriir qoto dheer la yeelato gobolka Indo-Pacific.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Markab Gargaar oo ku Wajahnaa Gaza oo Israa’iil Qabatay

Gaza ayaa noqotay xabaalo dusha ka furan, iyadoo adduunka intiisa kale laga jaray, iyadoo aan la gelin karin gargaarka bini'aadanimo.

  • Caalamka

    09-06-2025

  • 06:01AM

Trump: Aniga iyo Elon Musk Xiriirkeennii wuu dhammaaday, Cawaaqib xun ayuu la la kulmi doonaa

“Waxaan u maleynayaa inay sidaas tahay, haa,” ayuu yiri Trump markii la weydiiyay haddii uu u maleynayo in xiriirkooda uu dhammaaday.

  • Caalamka

    08-06-2025

  • 08:56AM