Covid19 oo dilay mid kamida maxaabiista ugu da'da weyn UK

Image

LONDON, UK – Nin wax ka dayey caruur kaasoo lagu waramay in uu ahaa mid kamid ah maxaabiista ugu da'da weyn dalka Ingiriiska ayaa u geeriyooday Coronavirus – maalmo kahor dabaaldega dhalashadiisa da'da 99aad.

Christopher Stowe oo kasoo jeeda Coventry ayaa lix sano oo xarig ah waxaa loogu xukumay in uu ku xadgudbay gabadh sanadkii 1970 waqtigaas oo la wariyey in haweenaydu u dhaxeysay 3 illaa afar sano jir.

Dhibanaha ayaa tilmaamtay in weerarkaas uu burburiyey caruurnimadeeda isla markaana ay dhaxashay sumcad dil iyo walwal.

Markii xabsiga loo taxaabay bishii lasoo dhaafay ee April, garsoore Sarah Buckingham ayaa tibaaxdey in Stowe ay u badan tahay in uu ku geeriyoon doono jeelka, saadaal u muuqata mid xaqiiqo noqotay.

Stowe ayaa 2017-kii waxaa soo wajahay dhibaato dhanka wadnaha, araga oo daciifay iyo wax loo maleynayo kansafka maqaarka.

Horaantii bishaan, waxaa laga soo wareejiyay jeelka HMP Birmingham iyadda oo loo bedelay St Mary's Hospice ee magaaladda Selly Park.

Baaritaan la doonayey in lagu sameeyo geeridiisa ayaa bilowday isla maanta, hasa ahaatee, waxaa dib loogu dhigay sababo aan la shaacin.

Ralph Clarke ayaa la aaminsan yahay in uu ahaa maxbuuskii ugu da'da weynaa UK kaasoo ahaa awoowe 104-jir ah, waxaana 13-sano 2016-kii loogu xukumay in uu weerar jinsi ah ku ekeeyay wiil iyo gabadh 1974 illaa iyo 1983-kii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel oo taliye sare iyo askar looga dilay weerar ka dhacay koonfurta Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa dhankeeda sheegtay in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen duqeymo ay fuliyeen ciidamada Israel.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 12:11PM

Wadahadalladii Iran iyo Mareykanka oo dib u dhacay kadib duqeyn Israa’iil ka fulisay Lubnaan

Wararka ayaa sheegay in askar iyo saraakiil looga dilay, loogana dhaawacay weerarka Xisbullah ku qaadey Ciidamada Israel ee koonfurta Lubnan.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 08:40AM