Cruz iyo Sanders oo ku guuleystay Wisconsin

Image

WASHINGTON DC-Ted Cruz oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga iyo Bernie Sanders oo dhinaca Dimoqraadiga ah ayaa ku guuleystay doorashadii ka dhacday gobolka Wisconsin oo ay dhibco badan kaga adkaadeen musharaxiintii la tartamayey.

Cruz ayaa Trump kaga adkaaday 48 iyo 35, waxaana uu guushiisa ku macneeyey mid wax weyn ka beddeli doonta tartanka.

Senator-kan laga soo doorto gobolka Texas, ayaa si kastaba in ka badan 200 ka dambeeyey taratnka dhinaca wufuudda dooraneysa musharaxa xisbiga Jamhuuriga u matalaya doorashada guud ee Mareykanka.

Dhinaca kale Senator Sanders oo laga soo doorto gobolka Vermont ayaa Hillary Clinton kaga adkaaday isaga oo helay 56 boqolkiiba codadka.

Sanders ayaa iminka ku guuleystay lix ka mid ah toddabadii gobol ee ugu dambeeyey ee lagu tartamay.

Clinton ayaa wax hadal rasmi ah jeedin markii laga adkaaday, hase yeeshee qoraal ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayay ugu hambalyeysay Sanders.

VOA

Related Articles

Iran Oo U Ogolaatay Maraakiibta Malaysia Inay Ka Gudbaan Marinka Hormuz

Ra’iisul wasaaruhu ma uusan faahfaahin tirada maraakiibta ka gudubtay marinka, ama shuruudaha lagu siiyay marin ammaan ah.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:54AM

Trump Oo Ka Fikiraya Inuu 10,000 Askari Kale U Diro Bariga Dhexe

Warbixinno ayaa tilmaamaya in ciidamada dheeraadka ah ay taageeri karaan difaaca saldhigyada Mareykanka.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:36AM