​Cruz oo Xushay Madaxweyne Kuxigeenkiisa

Image

Murashaxa Xisbiga Jamhuuriga Ted Cruz, ayaa goor hore isagoon xilkaasi helin shaaciyay cidda u noqonaysa madaxweyne ku-xigeen, wuxuu jagaadaasi u boqraday haweenay horay tartanka madaxtinimada waddankaasi ka qayb gashay.

Cruz, ayaa tilmaamay in qofka ku-xiga uu noqon doono haweynayda lagu magacaabo Carly Fiorina oo madax u soo noqotay shirkadda computer-ada ee Hewlett Packard, ka hor intii aan xilkaasi aanay ka qaadin guddiga maamullayay shirkadaasi.

Fiorina, oo xibigan hogaankiisa isu soo sharaxday doorashadii hore ayaa ka hartay tartanka kadib markii ay weyday taageerayaal uga codeeya gobollada dalka Maraykanka.

Weli makala cadaan cidda Xisbiga uga qayb gali doonta wareega labadaad, balse waxaa ugu cad cad ninka lagu magacaabo Donald Trump.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM