Cudurka Ebola oo mar kale laga helay dalka Liberia

Image

24 November, 2015(GO)-Muddo ku siman lix bilood oo cudurka Ebola lagu arag dalka Liberia ayaa waxaa soo baxay cabsi ku aadan inuu soo laabto, ka dib markii kiiskan u dhintay will 15 jir ah sida laga soo xiganayo sarakiil caafimaad oo dalkaasi ku sugan.

Cudurkan ayaa laga helay duleedka bari ee caasimadda Manrovia isbuucii tagay.

Xarun caafimaad oo magaaladaasi ku taalla ayaa lagu hayaa aabbe, wiilkiis iyo saddex ruux isku qoys ah kuwaas oo la il daran cudurka Ebola.

Saraakiisha Liberia, ayaa si gaar ahaaneed ula socda 150 qof oo looga shakisan yahay inay halis u yihiin cudurkaasi, kuwaas oo ay ku jiraaan shaqaale caafimaad iyo dad kale oo xiriir la sameeyay qoyska. 

Arrintan ayaa halis ku ah waddamada ku yaalla Galbeedka Africa kuwaasi oo mar hore shaaciyay in laga sifeeyay gobolka iyo dalalkii uu ka dillaacay.

Bishii September 3-deedii ayaa la xaqiijiyay in Liberia uu cudurkaasi ka dhammaadey, inkastoo May 9-keeda uu ururka caafimaadka adduunka ee WHO sheegay in Ebola uu dalkaasi ka dhammaaday, ayaa haddana mar kale waxa la arkey Kiisas cusub oo cudurkaasi ah bishii June ee la ga soo gudbay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ugu yaraan 430 Rayid ah oo lagu dilay Duqeymaha Israel ee dalka Iran

Dhanka Israa’iil, mas’uuliyiinta waxay sheegeen in 24 qof oo rayid ah lagu dilay weerarro gantaalo ah oo Iran ku qaaday gudaha Israa’iil.

  • Caalamka

    21-06-2025

  • 12:14PM

Maraykanka oo Israel kasoo daadgureeyay shaqaale iyo qoysaskooda ka tirsan safaaradda 

Sidoo kale, 3,265 qof oo dheeraad ah, qaar ka mid ahna laga yaabo inay sidoo kale foomka buuxiyeen.

  • Caalamka

    21-06-2025

  • 09:47AM