​Cuna-qabatayn la Saarayo Kuuriyada Waqooyi

Image
Image

Golaha Ammaanka Jamciyadda Quruumaha ka dhaxaysa, ayaa cambaarayn dusha uga tuuray dowladda Waqooyiga Kuuriya kadib markii ay shalay cirka u gantay gantaalada riddada dheer. 

Qoraal kasoo baxay xafiiska Golahaas, kaddib kullan degdeg ah oo ka dhacay New York, ayaa lagu sheegay in cuna-qabatayn dhaqso loo soo rogi doono dusha laga saarayo Waqooyiga Kuuriya. 

Xukuumadda Pyongyang, ayaa lagu eedeeyay inay wado halis iyo qalalaaso gobolka ka dhaca, balse dowladda Waqooyiga Kuuriya, ayaa sheegtay inay tijabada gantaalladan qeyb ka tahay barnaamijkeeda hawada.

Safiirka Kuuriyada Koofureed ee UN, Oh Joon, ayaa tilmaamay in la joogo xilli golaha amniga uu meel marin lahaa go’aan adag oo ka dhan ah Kuuriyada Waqooyi. 

Dhanka kale, wakiilka Japan u fadhiya UN, Motohide Yoshikawa, waxa uu dhankiisa tilmaamay in ay waajib tahay in la badalo xiriirka lala wadaago Kuuriyada Waqooyi. 

Arrintan ayaa timi kadib markii Kuuriyada Waqooyi Gandaal kamid ah kuwa ridada dheer u gantay cirka, taasoo keentay inay dhaleeceeyaan qaar kamid ah waddamada dariska ah iyo kuwa beesha calamka. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Putin oo ku dhawaaqay in Ruushka tijaabinayo Hubka Nuclear-ka

Wararka ka imanaya Kremlin-ka waxay sheegayaan in Putin uu mar kale cadeeyay in haddii Maraykanku sameeyo tijaabooyinkan.

  • Caalamka

    06-11-2025

  • 07:52AM

Omar Fateh oo Aqbalay Guuldarradiisa Doorashada Duqa Magaalada Minneapolis

Haddii uu guuleysan lahaa, Omar Fateh wuxuu noqon lahaa duqii ugu horreeyay ee Muslim ah, Soomaali Maraykan ah.

  • Caalamka

    06-11-2025

  • 05:24AM