​Daacish oo laga saarey magaalo ku taal Bariga Liibiya

Image

Ciidamada dowladda Liibiya ayaa Daacish ka saarey magaalo ku taalla Bariga dalkaasi, oo mudo labo bilood ah ay ka socdeen dagaallo xooggan.

Afhayeen u hadlay dowladda Liibiya ayaa sheegay in ciidamada dalkaasi ay la wareegeen gacan ku haynta magaalada Ganfouda, oo 15KM galbeed uga beegan Benghazi.

Libya waxay sidoo kale tilmaamtay in Daacish iyo Al Qaeda laga saari doono guud ahaan wadankaasi, sidoo kalena kusoo celin doonto sharciga iyo kala dambaynta.

Tan iyo markii la afgenbiyay Col Mucamar Al Qadaafi  2012, waxaa Libya ka taagan dagaallo u dhaxeeya ciidamo kala taabacsan dowladdo iska soo horjeeda oo dalkaasi looga dhawaaqay iyo Daacish.

QM ayaa sheegtay in dhibacyada dalkaasi isku raaceen inay dhisaan dowlado ay u dhan yihiin, si dalkaasi looga badbaadiyo dagaal sokeeye iyo amni darro.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hoggaamiyeyaasha dalalka Muslim-ka oo ku Shiraya Doha si ay uga Jawaabaan Duqeyntii Israa’iil ee Qatar

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Khamiistii si mid ah u cambaareeyay weerarka Israa’iil ku qaaday Qatar.

  • Caalamka

    14-09-2025

  • 10:37AM

Haweeneydii Ugu Horreysay oo Ra’iisul Wasaare ka Noqotay Nepal Kaddib Kacdoonkii Ka Dhanka Ahaa Musuqmaasuqa

Maalintii Talaadada, dad careysan ayaa dab qabadsiiyay dhismayaal dowladeed iyo xarunta baarlamaanka.

  • Caalamka

    13-09-2025

  • 05:34AM