​Daacish oo laga saarey magaalo ku taal Bariga Liibiya

Image

Ciidamada dowladda Liibiya ayaa Daacish ka saarey magaalo ku taalla Bariga dalkaasi, oo mudo labo bilood ah ay ka socdeen dagaallo xooggan.

Afhayeen u hadlay dowladda Liibiya ayaa sheegay in ciidamada dalkaasi ay la wareegeen gacan ku haynta magaalada Ganfouda, oo 15KM galbeed uga beegan Benghazi.

Libya waxay sidoo kale tilmaamtay in Daacish iyo Al Qaeda laga saari doono guud ahaan wadankaasi, sidoo kalena kusoo celin doonto sharciga iyo kala dambaynta.

Tan iyo markii la afgenbiyay Col Mucamar Al Qadaafi  2012, waxaa Libya ka taagan dagaallo u dhaxeeya ciidamo kala taabacsan dowladdo iska soo horjeeda oo dalkaasi looga dhawaaqay iyo Daacish.

QM ayaa sheegtay in dhibacyada dalkaasi isku raaceen inay dhisaan dowlado ay u dhan yihiin, si dalkaasi looga badbaadiyo dagaal sokeeye iyo amni darro.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo Hakiyay Duqeymo Dheeraad ah oo Mareykanku ku Qaado Iiraan

Ilaa iyo hadda, Aqalka Cad iyo Wasaaradda Difaaca Mareykanka (Pentagon) si rasmi ah ugama aysan hadlin warbixinta.

  • Caalamka

    25-07-2026

  • 07:37PM

Dalalka xubnaha ka ah ICC oo u codeeyey in xilka laga qaado Xeer-ilaaliye Karim Khan

Go’aankan ayaa yimid ku dhowaad laba sano kaddib markii Karim Khan lagu soo…

  • Caalamka

    24-07-2026

  • 07:57PM