​Daalibaan oo weerar ka gaysatay magaalada Kunduz

Image

Warar ka imaanaya magaalada Kunduz ee dalka Afghanistan ayaa sheegaya in mallayshiyaad katirsan kooxda Daalibaan weerar kusoo qaadeen fariisimo ay lahaayeen ciidamada waddankaas.

Mallayshiyada ayaa gudaha usoo gashay magaalada, waxyna qabsadeen ilaa dhowr bar-kantarool.

Saraakiil ku sugan Waqooyiga Afghanistan ayaa ku waramay in kooxdaasi, weerar qorsheysan ku qaaday Kunduz, islamarkaana ay gudaha usoo galeen.

“Daalibaanka waxay ku jiraan qaar ka mid ah guryaha shacabka, waana inaan howlgalka u fulinaa si taxaddar leh,” Sidaas yiri afhayeen u hadlay Booliiska Mahfouzullah Akbari.

Weerarka oo bilowday subaxnimadii hore ee maanta, ayaa ka dhacay dhowr jiho, waxaana afhayeen u hadlay Daalibaan sheegay inay dhowr kamid ah ciidamada waddankaas islamarkaana la wareegeen gacan ku haynta qaybo kamid ah Kunduz.

Dagaalka Daalibaan ayaa yimid maalin ka hor shirweyne calaami ah oo deeq bixiyayaasha dunida ku qabanayaan magaalada Brussels, kaasi oo uu ka qeyb galayo madaxweynaha Afghanistan Ashraf Ghani.

Bishii September ee 2015 ayaa kooxdan qabsadeen magaalada Kunduz oo ay haysteen dhowr maalmood, ka hor inta aysan ka bixin.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM