Dabley hubeysan oo Lix qof ku dishey Woqooyiga dalka Kenya

Image

MANDHERA, KENYA- Koox lagu tuhunsan yahay iney ka tirsan tahay ururka Al shabaab ayaa diley Lix qof kadib markii rasaas ku fureen labo Bus oo ku safrayey degaanka Mandheere Woqooyiga dalka Kenya, sidaas waxaa saxaafada u sheegey sarkaal ka tirsan ciidamada Kenya.

Weerarkaan ayaa yimid maalin kadib markii dowlada Mareykanka muwaadiniinteeda uga digtey iney safar ku taagan magaalooyinka xuduudka la leh dalka Somaliya sida Mandera, Wajir, Garisa, Tana River. Lamu iyo xaafada Nairobi ku taal Eastleigh. 

Dad ayaa ku dhaawacmey sidoo kale weerarkaan lagu qaadey xeyn bus ah oo wada socotey maanta kuwasoo ku wajahnaa magaalada Mandheera abaarahii 10:00 am, sidaas waxaa yiri Maxamad Siciid oo ah xiriiriyaha amniga ee gobolkaas. Buses_kan ayaa waxaa saarnaa rakaab gaaraya 90 qof kuwasoo ka tagey magaalada Niarobi xarunta dalka Kenya.

Asbucii la soo dhaafey 5 ka tirsan ciidamada Boolsika Kenya ayaa lagu diley goob aan ka fogeyn halka toogashadaan maanta ka dhacdey taasoo lagu eedeeyey kooxda al shabaab.

Kooxda Al shabaab ayaa ku dhaaratey in ay dagaal la gali doonto wadanka Kenya kadib markii gudaha dalka Somaliya weerar ay ku qaadeen 2011 magaalada Kismayo oo xarun dhaqaale farabadan kasoo galo kooxdaan u aheyd laga baacsadey. 

GAROWEONLINE 

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM