Dad isku qoys ah oo lagu laayey weerar lagu qaadey Masjid

Image

KABUL, Afghanistan – Sideed qof oo isku qoys ah ayaa la dilay markii kooxo hubeysan oo aan la aqoon ay rasaaseeyeen masaajid ku yaal bariga gobolka Nangarhar ee Afghanistan.

Toogashada ayaa ka dhacday habeenimadii Sabtida magaalada Jalalabad. Sida laga soo xigtay Gudoomiyaha Gobolka Nangarhar, Ziaulhaq Amarkhil, dilku wuxuu salka ku hayaa muran dhul.

Shan walaalo ah iyo saddex ka mid ah wiilasha ay ilma adeerka yihiin ayaa la sheegay ku naf-waayeen falkaas.

Toogashadu waxay dhacday waqtiga taraawiixda. Amarkhil ayaa u sheegay Al Jazeera: "Kani wuxuu ahaa weerar bartilmaameed ah, xogtii ugu horaysayna waxay muujineysaa muran dhuleed inuu sabab u ahaa".

Isku dhacyada la xiriira khilaafaadka dhulka ayaa caan ka ah guud ahaan Afghanistan. Falalkan oo loo yaqaano dhiiga qubanaya waxay taagan yihiin muddo tobanaan sano ah, iyadoo aan wali xal loo helin.

Bishii Abriil ee la soo dhaafay, ugu yaraan lix xubnood oo qabaa'il ah ayaa la dilay ku dhowaad 20 kalena waa lagu dhaawacay iska horimaadyo hubeysan oo ku saabsan dhul lagu muransan yahay oo isla gobolka ka tirsan.

Dagaalka oo dowladda aysan fahfaahin buuxda ka bixin iyo talaabo rasmi ah u qaadin qaboojintiisa wuxuu socday dhowr maalmood.

Nangarhar, waa magaalo ay ku xoogan yihiin Taliban iyo kooxda ISIL (ISIS), waxay hodan ku tahay dhulka banaan waxayna ka mid tahay meelaha ugu muhiimsan beeraha Afghanistan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Haweeneydii Ugu Horreysay oo Ra’iisul Wasaare ka Noqotay Nepal Kaddib Kacdoonkii Ka Dhanka Ahaa Musuqmaasuqa

Maalintii Talaadada, dad careysan ayaa dab qabadsiiyay dhismayaal dowladeed iyo xarunta baarlamaanka.

  • Caalamka

    13-09-2025

  • 05:34AM

XOG CUSUB: Halkee Israel kasoo qaadey weerarkii ay ka fulisay Qatar?

Sida laga soo xigtay saraakiil sare oo Mareykan ah, weerarka waxaa fuliyay 12 diyaaradood oo dagaal oo Israa’iili ah—8 F-15 ah iyo 4 F-35 ah.

  • Caalamka

    13-09-2025

  • 05:01AM