Dad ku dhaawacmay dab qabsaday keyn ku taala koonfurta Turkiga

Image

ANKARA, Turkey – Ugu yaraan 10 qof ayaa dhaawacyo sahlan ay kasoo gaareen dab ka kacay keyn ku yaala koonfurta dalka Turkiga, sidda ay warbaahinta dowladda kasoo xigtay mas'uul ka howlgala meesha ay wax ka dhaceen.

Dabka ayaa Jimcadii ka kacay degmada Belen ee gobolka Hatay, waxaana mas'uuliyiinta ay tuhunsan yihiin in falkaas uu ka dhashay dab la shiday, sidda uu Anadolu Agencyu u sheegay Ibrahim Gul, duqa magaaladda.

Sidda laga soo xigtay Ibraahim, ku dhowaad tobban ruux ayaa dhaawacmay, 20 guri way ku burbureen, halka shan gaari ay ku bas-beeleen.

Bekir Pakdemirli, wasiirka Beeraha iyo Keymaha ee Turkiga, ayaa tibaaxay in dabka uu kusii fiday saddex degmo balse ay xakameynayaan.

Baaritaano ayuu tilmaamay in ay durba bilaabeen isla markaana afar ruux oo looga shakisan yahay in ay shideen dabka ay xabsi ku jiraan.

"Kooxaha dab-damiska waxay la hal-gamayaan sidii ay uga hortagi lahaayeen in uu ku fido keyn kale oo ku taala gobolka koonfurta ku yaala ee Osmaniye," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay wasiir Bekir Pakdemirli.

Gubashada Keymaha ayaa sanadkan 2020 kamid ah dhacdooyinka ugu hadalheynta badan warbaahinta caalamka iyaddoo dalalka Mareykanka, Brazill iyo Australia ay hor-kacayaan wadamada kiisaska ugu balaaran lasoo wariyey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo diiday xabbad-joojin ku meel gaar ah

Baqaei ayaa sheegay in Tehran ay gudbisay shuruudo ku saleysan danaha qaranka iyada oo loo marayo dhexdhexaadiyeyaal.

  • Caalamka

    06-04-2026

  • 04:33PM

Giorgia Meloni iyo Amiirka Qatar oo ka wada hadlay dhibaatada ka dhalatay xirnaanshaha Hormuz

Meloni ayaa booqashadan ku tagtay Qatar maalin Sabti ah, waana joogteeda labaad ee safar ay ku mareyso gobolka oo ka bilowday Sucuudiga.

  • Caalamka

    04-04-2026

  • 06:15PM