Dad ku dhintay Dhul-gariir ka dhacay New Zealand

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

Dhul-gariir xoog badan ayaa lagusoo waramayaa inuu ka dhacay waddanka New Zealand, kaasoo gaystay khasaaro naf iyo maalba leh.

Saraakiisha caafimaadka ayaa xaqiijiyay dhimashada labo ruux iyo dhaawac intaas kabadan iyadoo hadda uu socdo gumar ku aadan sidii loo samata bixin lahaa dad ku go'doonsan dhismayaal bur-buray.

Cabirka Dhulgariirka ayaa lagu qiyaasay 7.8, waxaana uu saameeyay Magaalooyin waaweyn ee dalkaa iyadoo xooggiisu ka dhacay nawaaxiga magaalada Christchurch halkaas dadkaas dhintay ay ku sugnaayeen.

Dadka ku nool xeebaha bari ee wadankaasi ayaa xalay saqdii dhexe loogu baaqay inay ka fogaadaan xeebta, maadaama laga cabsi qabay Tsunami ka dhalatay dhulgariirka.

Ra’iisul Wasaaraha New Zealand John Key, ayaa shacabka ugu baaqay inay ka feejignaadaan inay galaan goobaha ama guryaha uu burburka soo gaaray.

Waddankaas ayaa la sheegay inuu ku jiro xaalad deg deg ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM