Dad ku dhintay Dhul-gariir ka dhacay New Zealand

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

Dhul-gariir xoog badan ayaa lagusoo waramayaa inuu ka dhacay waddanka New Zealand, kaasoo gaystay khasaaro naf iyo maalba leh.

Saraakiisha caafimaadka ayaa xaqiijiyay dhimashada labo ruux iyo dhaawac intaas kabadan iyadoo hadda uu socdo gumar ku aadan sidii loo samata bixin lahaa dad ku go'doonsan dhismayaal bur-buray.

Cabirka Dhulgariirka ayaa lagu qiyaasay 7.8, waxaana uu saameeyay Magaalooyin waaweyn ee dalkaa iyadoo xooggiisu ka dhacay nawaaxiga magaalada Christchurch halkaas dadkaas dhintay ay ku sugnaayeen.

Dadka ku nool xeebaha bari ee wadankaasi ayaa xalay saqdii dhexe loogu baaqay inay ka fogaadaan xeebta, maadaama laga cabsi qabay Tsunami ka dhalatay dhulgariirka.

Ra’iisul Wasaaraha New Zealand John Key, ayaa shacabka ugu baaqay inay ka feejignaadaan inay galaan goobaha ama guryaha uu burburka soo gaaray.

Waddankaas ayaa la sheegay inuu ku jiro xaalad deg deg ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

WHO: 1.23 milyan oo qof ayaa sanadkii la soo dhaafay ku dhintay TB

Sanadkii la soo dhaafay, $5.9 bilyan ayaa la heli jiray si loogu isticmaalo ka hortagga, ogaanshaha iyo daaweynta TB-ga.

  • Caalamka

    13-11-2025

  • 01:15PM

Donald Trump oo codsi u diray Madaxweynaha Israa’iil si uu u cafiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu

Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu ama dhinaca garsoorka Israa’iil.

  • Caalamka

    12-11-2025

  • 01:45PM