​Dad ku dhintay Gantaallo lagusoo riday Kashmir

Image

Hadal kasoo yeeray xukuumadda waddan Pakistan, ayaa lagu sheegay in Gantaallo lagasoo riday dhinaca dalka India ay ku geeriyoodeen dad shacab ah oo tiradoodu ka badantahay 10 qof.

Wararka Pakistan, waxaa lagu sheegay in 9 qof dhinteen kadib markii Gantaal lagu dhuftay Bas ay lasocdeen oo marayay gobolka Lagu muransanyahay ee Kasmir.

Waxaa sidoo kale geeriyooday 2 qof oo shacab ah kuwaasoo uu haleelay Gantaal kale xilli ay ku sgunaayeen hoygooda.

Dhacdadan ilaa hadda kama aysan hadlin xukuumadda New Delhi.

Mar sii horaysay Hindiya ayaa wacad ku martay in ay u aari doonto dilka loo gaystay saddex ka mid ah ciidammadeeda oo ku dhintay weerar gaadmo ah oo ay gaysteen malayshiyo ay Hindiya sheegtay in ay ka soo talaabeen xadka Pakistan.

Weerarada ka dhaca xadka Kashmiir ayaa sii kordhay bilihii u dambeeyay.

Labada dowladood ee Pakistan iyo India, ayaa muddo ku hardamayay gobolkaas mid kasto uu sheegto inuu kamid yahay dhulkiisa.

GAROWEONLINE

Related Articles

WHO: 1.23 milyan oo qof ayaa sanadkii la soo dhaafay ku dhintay TB

Sanadkii la soo dhaafay, $5.9 bilyan ayaa la heli jiray si loogu isticmaalo ka hortagga, ogaanshaha iyo daaweynta TB-ga.

  • Caalamka

    13-11-2025

  • 01:15PM

Donald Trump oo codsi u diray Madaxweynaha Israa’iil si uu u cafiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu

Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu ama dhinaca garsoorka Israa’iil.

  • Caalamka

    12-11-2025

  • 01:45PM