​Dad ku dhintay Gantaallo lagusoo riday Kashmir

Image

Hadal kasoo yeeray xukuumadda waddan Pakistan, ayaa lagu sheegay in Gantaallo lagasoo riday dhinaca dalka India ay ku geeriyoodeen dad shacab ah oo tiradoodu ka badantahay 10 qof.

Wararka Pakistan, waxaa lagu sheegay in 9 qof dhinteen kadib markii Gantaal lagu dhuftay Bas ay lasocdeen oo marayay gobolka Lagu muransanyahay ee Kasmir.

Waxaa sidoo kale geeriyooday 2 qof oo shacab ah kuwaasoo uu haleelay Gantaal kale xilli ay ku sgunaayeen hoygooda.

Dhacdadan ilaa hadda kama aysan hadlin xukuumadda New Delhi.

Mar sii horaysay Hindiya ayaa wacad ku martay in ay u aari doonto dilka loo gaystay saddex ka mid ah ciidammadeeda oo ku dhintay weerar gaadmo ah oo ay gaysteen malayshiyo ay Hindiya sheegtay in ay ka soo talaabeen xadka Pakistan.

Weerarada ka dhaca xadka Kashmiir ayaa sii kordhay bilihii u dambeeyay.

Labada dowladood ee Pakistan iyo India, ayaa muddo ku hardamayay gobolkaas mid kasto uu sheegto inuu kamid yahay dhulkiisa.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM