​Dad ku dhintay Is-buurasho ka dhacday Ethiopia

Image

Dad ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen isbuurasho la sheegay in ay ka dhacday Dalkaasi Ethopia ka dib markii booliska Dalkaasi ay kala eryayeen Dadka isku soo xoobmay.

Dowlada Ethopia ayaa Wariyayaasha u sheegtay in ay Dadkaasi ku dhinteen rabashado baaxad weyn oo ka dhacay Magalada Bishoftu ee gobolka Oromiya.

in ka badan 50 qof ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen rabshadadaasi iyadoo Wariyayasha ku sugan halkaasi lagu soo waramayo in ay arkayeen dad lagu daadiyay god weyn oo ku yaala Magaalada Bishoftu ee gobolka Oromiya

Rabshada ka dhacay Bishoftu ee gobolka Oromiya ayaa la sheegay in ay ka bilowdeen ka dib markii dadka Mudaaharaadayay ay isku dayeen sidii ay ku joojin lahaayeen Qudbado ay jeedinayeen Culimo ku sugnaa goob lagu cibaadeysto.

Dadka mudaharaadka samaynayay ayaa gacmahooda oo is-dhaafsan kor u taagayay, taasoo astaan u ah dibed baxyada ay dhawaan wadeen qowmiyadda Oromada.

Rabshadaha dhawaan ka dhacayay Itoobiya ayaa salka ku haya qorshe ay dowladdu shaacisay November-tii hore, kaasoo caasimadda Addis Ababa loogu ballaarinayo qeybo ka mid ah gobolka Oromiya.

Beeraleyda qowmiyadda Oromada ayaa ka cabsi qabay in tallaabadaasi ay ka barakicin doonto beerahooda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM