​Dad ku dhintay Rabshado dhacay Zambia

Image
Image
Image
Image
Image

Dalka Zambia, waxaa ka bilowday rabshado ku salaysan isir nacayb, waxaana la dhacay hantida dad badan iyadoo la dilay dhawrt qof oo soo galooti ah gaar ahaa kuwa kasoo jeeda dalka Rwanda.

Boliiska ayaa ku waramay in labo qof maanta nolosha lagu qabtay halka horay loo xiray in kabadan 250 ruux kuwaasi oo ku lug lahaa falal dhac iyo boob isug jira.

Dadka lasoo qabta n weerarada ayaa ka dhacaya magaalada caasimadda ah ee Lusaka.

Shacabka reer Zambia ayaa ku dhaliilaya dadka Rwanda inay ka dambeeyeen dilal loo gaystay shakhsiyaad waddankooda kasoo jeeda kuwaasi oo xubnahooda la isticmaalay.

Dadka reer Rwanda ayaa ah kooxda ugu ballaaran ee soo galka dalkaasi, waxayna leeyihiin ganacsiyo kala duwan.

Sawirro lasoo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya bur-bur loo gaystay dhismayaal iyo  boob lagu hayo badeecooyinka soo galootiga.

Boliiska ayaa isticmaalay rasaas nool si loo kala cayriyo dadka, halka in badan ay xireen.

Dadka kasoo jeeda waddamada Africa ayaa caan ku ah tacadiyada ku salaysan isir nacaybka iyadoo kumaan qof falal caynka ah kuwaayeen nolashooda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Iran Oo U Ogolaatay Maraakiibta Malaysia Inay Ka Gudbaan Marinka Hormuz

Ra’iisul wasaaruhu ma uusan faahfaahin tirada maraakiibta ka gudubtay marinka, ama shuruudaha lagu siiyay marin ammaan ah.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:54AM

Trump Oo Ka Fikiraya Inuu 10,000 Askari Kale U Diro Bariga Dhexe

Warbixinno ayaa tilmaamaya in ciidamada dheeraadka ah ay taageeri karaan difaaca saldhigyada Mareykanka.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:36AM