​Dad ku dhintay weerar lagu qaaday Jaamac Maraykanku leeyahay

Image
Image
Image
Image

Warar ka imaanaya  magaalada Kabul ee caasumadda waddanka Afganistan ayaa sheegaya in dablay hubaysan weerar ku qaadeen jaamacad Maraykanku leeyahay, waxaana lagu dilay 15 qof.

Weerarkaasi ayaa sidoo kale waxaa ku dhaawacmay 40 qof oo ay ku jiraan Arday wax ka baranaysay jaamacadda iyo saraakiil katirsan Booliiska Afganistan.

Qarax lagu dhuftay albaabka xarunta jaamacadda ayaa weerarku ku bilowday, waxaana xigay rasaas goos-goos ah.

Howlgal qaatay 10 saaca kadib waxaa laamaha ammaanka dalkaas iyo saraakiil American ah ku guulaysteen inay soo afjaraan mallayshiyada weerarka qaaday kuwaasoo tiradooda lagu sheegay Labo ruux.

Mudada xallinta dhibkaasi lagu jiray, waxaa dhawacyo kala duwan soo gaareen ciidamada ammaanka.

Majirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarkaasi.

Dadka dhintay waxaa kamid ahaa 7 Ardaydii meesha wax ka baranaysay.

Booliiska Afghanistan ayaa ku dhawaaqay inay baaritaan samayn doonaan islamarkaana gacanta kusoo dhigi doonaan dadkii weerarka qaaday.

Xaaladda magaalada Kabul ayaa muddooyinkii dambe kacsanaa waxaana weerar lagu qaaday ilaa dhowr xarumood oo muhiim ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM