Dad lagu dilay Colorado dalka Maraykanka

Image

28 November, 2015(GO)-Saddex qof oo mid ka mida yahay sarkaal ka tirsan Boliska Colorado ee dalka Maraykan, ayaa lagu dilay weerar lagu soo qaaday xarun caafimaad oo lagu xadido dhalmada, waxaana lagu dhaawacay 10 kale.

Weerarkan waxaa gaystay nin hubaysan oo markii dambe ciidanka ammaanka magaladaasi ku qabteen intii uu ku guda jiray falkaasi.

Ilaa hadda lama caddayn sababta xarunta caafimaad loo weeraray, balse marar hore waxaa ka dhacay mudaharaadyo looga soo horjeed ilmo iska soo rididda oo goobtaasi  lagu fududeeyo.

Boolisk Colorado ayaa wada baaritaano lagu xaqiijinayo qaabka waxa u dhaceen.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM