Dad ka ganacsan jiray Xubnaha Bini'aadamka oo lagu xiray Masar

Image

CAIRO, EGYPT - Dowladda Masar ayaa xabsiga dhigtay 12 qof oo looga shakisan yahay in ay ku lug lahaayeen ka ganacsiga xubnaha jirka bani'aadamka.

Dadkan ayaa waxaa ka mid ah dhakhaatiir iyo kalkaaliyeyaal caafimaad, waxaana laga qabtay xarun caafimaad oo ku taala magaalada Qaahira.

Xaruntan ayaa iyana albaabada loo laabay.

Wasaaradda arrimaha gudaha ee dalkaasi ayaa waxa ay sheegtay in dadkaasi la xiray ay qayb ka ahaayeen shabakad dambiilayaal ah oo aad u ballaaran.

Dadkan ayaa lagu eedeynayaa in ay kelliyaha iyo xubnaha kale ee muhiimka ah ka bixinayeen dadka saboolka ah oo ay ku jiraan muhaajiriinta.

Xubnahaasi bani'aadamka ayaa la sheegayaa in loo gelinayay dadka hodanka ah ee reer Masar iyo ajaanibta kale ee u baahan.

Muddo haatan toddobo sano laga joogo ayaa dowladda Masar waxay sharci darro ka dhigtay in laga ganacsado xubnaha jirka bani'aadamka kaddib markii hay'adda caafimaadka adduunka ee WHO ay dalkaasi ku dartay diiwaanka waddamada shanta ah ee sida weyn looga ganacsado xubnaja jirka bani'aadamka.

GO + BBC

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM