Dad ka ganacsan jiray Xubnaha Bini'aadamka oo lagu xiray Masar

Image

CAIRO, EGYPT - Dowladda Masar ayaa xabsiga dhigtay 12 qof oo looga shakisan yahay in ay ku lug lahaayeen ka ganacsiga xubnaha jirka bani'aadamka.

Dadkan ayaa waxaa ka mid ah dhakhaatiir iyo kalkaaliyeyaal caafimaad, waxaana laga qabtay xarun caafimaad oo ku taala magaalada Qaahira.

Xaruntan ayaa iyana albaabada loo laabay.

Wasaaradda arrimaha gudaha ee dalkaasi ayaa waxa ay sheegtay in dadkaasi la xiray ay qayb ka ahaayeen shabakad dambiilayaal ah oo aad u ballaaran.

Dadkan ayaa lagu eedeynayaa in ay kelliyaha iyo xubnaha kale ee muhiimka ah ka bixinayeen dadka saboolka ah oo ay ku jiraan muhaajiriinta.

Xubnahaasi bani'aadamka ayaa la sheegayaa in loo gelinayay dadka hodanka ah ee reer Masar iyo ajaanibta kale ee u baahan.

Muddo haatan toddobo sano laga joogo ayaa dowladda Masar waxay sharci darro ka dhigtay in laga ganacsado xubnaha jirka bani'aadamka kaddib markii hay'adda caafimaadka adduunka ee WHO ay dalkaasi ku dartay diiwaanka waddamada shanta ah ee sida weyn looga ganacsado xubnaja jirka bani'aadamka.

GO + BBC

Related Articles

WHO: 1.23 milyan oo qof ayaa sanadkii la soo dhaafay ku dhintay TB

Sanadkii la soo dhaafay, $5.9 bilyan ayaa la heli jiray si loogu isticmaalo ka hortagga, ogaanshaha iyo daaweynta TB-ga.

  • Caalamka

    13-11-2025

  • 01:15PM

Donald Trump oo codsi u diray Madaxweynaha Israa’iil si uu u cafiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu

Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu ama dhinaca garsoorka Israa’iil.

  • Caalamka

    12-11-2025

  • 01:45PM