​Dad lagu laayay duqeymo ka dhacay Xalab

Image

Ugu yaraan toban qof ayaa lagu soo waramayaa in lagu dilay tiro kalena lagu dhaawacay duqeymo dhowr ah oo lala beegsaday deegaan fallaagadu maamusho oo ku yaala magaalada Xalab ee dalka Suuriya.

Hawlwadeenada ayaa sheegaya in mid ka mid ah duqeymahaasi laga beegsaday meel u dhow cusbital ku yaala degmada Shaar ee ku taala bariga Xalab.

Muuqaal laga soo duubay goobta gantaalada lala helay ayaa muujinaya dhismooyin burbursan iyo meydad daadsan waddooyinka.

Ilaa iyo haatan ma cadda ciddii ka dambeysay duqeymahaasi, balse ciidamada dowladda ayaa waxa ay dedaal ugu jireen in muddo ahba sidii ay dib ugu qabsan lahaayeen magaaladaasi Xalab.

BBC

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM