​Dad loo soo qabtay weerarka Istanbul, Turkiga

Image

Wararka laga helayo dalka Turkiga ayaa sheegaya in 3 qof oo tuhunsanayaal ah loo qabtay qaraxii Talaadadii lasoo dhaafay ka dhacay magaalada Istanbul, halkaasi oo ay ku dhinteen 11 qof.

Wakaalada wararka ee Do ğan ayaa sheegtay in tuhunsanayaasha lagu eedeeyay in ay ka tirsan yihiin urur argagixiso ah, ayna weerarreen dalkaasi iyaga oo dil geystay.

Jimcihii ayay ahayd markii ururka Kurdistan Freedom Falcons, oo la rumeysan yahay inuu ka go'ay jabhadda PKK, uu sheegay in uu qaaday qaraxaasi ka dhacay Istanbul.

Turkiga ayaa dagaal kula jira jabhadda Kurdiyiinta ee PKK, ka dib markii ay burburtay xabbad joojintii u dhexeysay bishii July ee sanadkii hore.

Qaraxyada ka dhaca magaalooyinka waaweyn ee Turkiga ayaa si ba'an u sameeyay dalxiiska, oo ka mid ah ilaha dhaqaale ee uu dalkaasi ku tiirsan yahay.

BBC

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM