​Dad shacab ah oo lagu dilay Ukraine

Image

Ugu yaraan 9 ruux oo shacab ayaa lagu dilay dagaalka kasoo cusboonaaday Bariga dalka Ukraine, kaasi oo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo Jabhadaha Ruushka uu taageero.

Saraakiisha Militariga Ukraine ayaa sheegay in duqeyn ka dhacday magaalada Avdiivka ku geeriyoodeen dad rayid ah oo aan waxba galabsan, kuwaasoo ay ku jiraan shaqaale gargaar iyo carruur.

Avdiivka oo ay maamusho Ukraine waxaa weerar hoobiyaal ah ku qaadey xoogag mucaaradka ee u dagaalamayo gooni-ugoosadka.

Wararka ayaa intaas ku daraya in 5 askar oo katirsanaa ciidamada dalkaas ay ku dhinteen dagaalka iyo duqeymaha ka soconayo gobolada Bari ee dalkaasi ku yaallo.

Qalalaasaha ka dhanka dalkaas qaybta ka ahaan jiray Midowgii Sofiyeedka, ayaa soo taagnaa tan iyo April 2014, waxaana xoogiisu qabsaday magaalada Donetsk, oo xarun uu ah Jabhadaha gacan saarka la leh Ruushka.

Colaadda ayaa dib uga hortay markii uu burburay heshiiskii xabad joojinta ee mucaaradka iyo dowladda Ukraine kala wadaqaateen.

Ukraine ayaa ku eedaysay Ruushka inuu xad gudub kawado qaybo kamid ah dhulkiisa inkastoo aysan jirin war kasoo baxay xukuumadda Moscow.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM