Dadka Greece oo diidey qorshaha deyn bixinta ee loo soo bandigay

Image

Codbixiyayaasha dalka Giriiga ayaa si weyn u diiday qorshaha ay usoo bandhigeen kuwa deymaha ku leh dalkaasi. In ka badan boqolkiiba 61 dadkii codkooda ka dhiibtay aftidii shalay, ayaa u codeeyay MAYA.

Boqolaal ah taageerayaasha ololaha MAYA ayaa bilaabay in ay ku hor marshaxaradaan baarlamaanka caasimadda Athens.

Wasiirka maaliyadda Giriiga, Yanis Varoufakis, oo shir jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay in natiijada ay dalkiisa u sahleyso dib u bilaabida wadahalada uu la leeyahay kuwa deymaha ku leh.

Ra’iisul wasaaraha Giriiga, Alexis Tsipras, ayaa sidoo kale sheegay in uu diyaar u yahay sii wadida wadaxaajoodka kala dhexeeya kuwa deymaha ku leh dalkiisa, isaga oo carabka ku adkeeyay in natiijada aanay ahayn mid ka dhan ah Yurub.

Gudoomiyaha baarlamaanka Yurub, Martin Schulz, ayaa sheegay in uu rumeysan yahay in Giriiga uu xaalad xun madaxa la galay.

Durbadiiba waxaa la dareemay saameynta natiijada aftida, waxaana lacagta Euro ay qiimo ahaan ka hoos martay doolar-ka iyo Yen-ka Japan. Bangiyada Giriigana waxaa lagu soo warramayaa in maalmo gudahood ay lacag la’aan soo fariisan doonaan.

XIGASHO: BBC

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM