Dadka Greece oo diidey qorshaha deyn bixinta ee loo soo bandigay

Image

Codbixiyayaasha dalka Giriiga ayaa si weyn u diiday qorshaha ay usoo bandhigeen kuwa deymaha ku leh dalkaasi. In ka badan boqolkiiba 61 dadkii codkooda ka dhiibtay aftidii shalay, ayaa u codeeyay MAYA.

Boqolaal ah taageerayaasha ololaha MAYA ayaa bilaabay in ay ku hor marshaxaradaan baarlamaanka caasimadda Athens.

Wasiirka maaliyadda Giriiga, Yanis Varoufakis, oo shir jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay in natiijada ay dalkiisa u sahleyso dib u bilaabida wadahalada uu la leeyahay kuwa deymaha ku leh.

Ra’iisul wasaaraha Giriiga, Alexis Tsipras, ayaa sidoo kale sheegay in uu diyaar u yahay sii wadida wadaxaajoodka kala dhexeeya kuwa deymaha ku leh dalkiisa, isaga oo carabka ku adkeeyay in natiijada aanay ahayn mid ka dhan ah Yurub.

Gudoomiyaha baarlamaanka Yurub, Martin Schulz, ayaa sheegay in uu rumeysan yahay in Giriiga uu xaalad xun madaxa la galay.

Durbadiiba waxaa la dareemay saameynta natiijada aftida, waxaana lacagta Euro ay qiimo ahaan ka hoos martay doolar-ka iyo Yen-ka Japan. Bangiyada Giriigana waxaa lagu soo warramayaa in maalmo gudahood ay lacag la’aan soo fariisan doonaan.

XIGASHO: BBC

Related Articles

Maalinta Xorriyadda Saxaafadda: Madaxweyne La Hadlay Warfidiyeeno Muddo 15 Saacadood ah

Shirka jaraa’id oo aan caadiga ahayn ayaa lagu beegay Maalinta Xorriyadda Saxaafadda…

  • Caalamka

    04-05-2025

  • 11:31PM

Trump oo qorsheynaya inuu dhimo Shaqaalaha CIA-da Mareykanka

Wargeyska The Washington Post ayaa ahaa kii ugu horreeyay ee tabiya qorshahan dhimista shaqaalaha.

  • Caalamka

    04-05-2025

  • 12:48PM