​Dadka ka qaxay dagaalka Mosul oo gaaray Suuriya

Image

Hay'adda qaxootiga ee Qaramada Midoobeey waxay sheegeysaa in inkabadan 900 oo qof ay ka qexeen magaalada Moosil ee dalka Ciraaq.

Dadkaasi ayey hay'adda sheegtay inay ka gudbeen xuduudda Ciraaq ay la wadaagto dalka Suuriya.

Waa markii ugu horeysay ee la xaqiijiyo in dad badan ay ka qaxayaan Moosil tan iyo markii ciidamada Ciraaq ay bilaabeen inay ku sii dhowaadaan magaalada.

Dowladda Ciraaq oo garab ka heleysa Mareykanka iyo Kurdiyiinta ayaa waxa ay dooneysaa in magaalada labaad ee ugu weyn Ciraaq ay ka qabsato Daacish.

Boqollaal qof oo kale ayaa waxay u qexeen meelaha ay qabsadeen ciidamada dowladda CiraaqImage copyrightAP

Boqollaal qof oo kale ayaa waxay u qexeen meelaha ay qabsadeen ciidamada dowladda Ciraaq

Moosil waa meesha ay ugu xoogga badan yihiin ururka la baxay Khilaafada Islaamka ee dalka Ciraaq, halkaas oo laba sano ka hor ay qabsadeen.

Howlgalka lagu qabsanayo Moosil ayaa hadda la sheegayaa inuu gaabis ku socdo.

Ololahan ayaa socda maalintii sedaxaad. Moosil waxaa ku hareereysan ciidamo gaaraya illaa 30 kun oo askeri.

Ciidamada Ciraaq oo dhanka Koofureed kaga duulay magaalada waxay ku hakadeen deegaano ay shacab badan ku nool yihiin.

Kurdiyiinta Peshmerga oo dhanka Bariga iyo Waqooyiga Moosil ku sugan waxay adkeynayaan amniga goobaha ay qabsadeen.

BBC

Related Articles

Israel iyo Xuutiyiinta oo isweydaarsaday duqeymo cirka ah xilli xiisad ka jirto Badda Cas

Madaxweyne Donald Trump ayaa horey u amray weerarro waaweyn oo ka dhan ah Xuutiyiinta dalka Yemen.

  • Caalamka

    07-07-2025

  • 07:06AM

Trump oo weerar afka ah ku qaaday Elon Musk kadib markii uu dhisay xisbiga cusub ee "American Party"

Muranka ka dhashay miisaaniyadda qarashka dowladda ayaa sababay kala fogaansho weyn oo u dhexeeya Trump iyo Musk.

  • Caalamka

    07-07-2025

  • 05:49AM