Dadka ku geeriyoodey qarax lagu weeraray Hoteel

Image

ISLAMABAD, Pakistan - Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhintay tobaneeyo kalena waa ay ku dhaawacmeen Arbacadii qarax ka dhacay goobta baabuurta la dhigto ee Hotel ku yaal koonfur-galbeed Pakistan, sida uu sheegay sarkaal.

Qaraxa ka dhacay magaalada Quetta ayaa sidoo kale burburiyey dhowr gaari iyo dhismeyaal kale oo ka akdhowaa goobta ay wax ka dhaceen, sida uu muujiyey muuqaal oo laga sii daayay telefishinka maxaliga ah ee Dawn News.

Muuqaalka oo qabsadaybaraha bulshadda ayaa sidoo kale wuxuu muujinayaan uuro ka dhalatay qaraxa oo cirka isku sii shareereysa, gaadiidka gurmadka oo kusii qulqulaya goobta iyo meydad badan oo dhulka daadsan.

Wasiirka arrimaha gudaha Sheekh Rasheed Axmed ayaa sheegay in safiirka Shiinaha u fadhiya Pakistan uu degan yahay hoteelka, balse uusan ku sugnayn halkaas xilliga qaraxu dhacay. "Safiirka wuu nabad qabaa," ayuu Rasheed u sheegay suxufiyiinta

Ma jirto koox illaa haatan dusha saaratay mas'uuliyadda weerarka, in kasta oo mintidiinta Taalibaan iyo gooni u goosad Baloch ay muddo dheer ka hawlgalayeen gobolka, oo ah marin muhiim u ah mashruuca balaayiinta doolar ee Shiinaha iyo Pakistan ee Waddada Dhaqaalaha (CPEC), oo qayb ka ah hammiga sare iyo Hindisaha Wadada.

Isagoo xaqiijinaya tirada dhimashada, guddoomiye ku xigeen gobolka. Aurungzeb Badini, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka wuxuu ku sheegay in dabka ka dhashay qaraxa la bakhtiiyey.

Booliska oo tafaasiil kooban kasoo saarey weerarkaas ayaa wuxuu shaaca ka dhigay in uu baarayo nooca qaraxa. Wararkii ugu horreeyay waxay sheegayaan in walxaha qarxa lagu rakibay gaari taagan.

Saraakiisha caafimaadka ayaa ka cabsi qaba kororka qasaaraha maadaama xaalada dhowr qof oo dhaawac ah la sheegay inay tahay mid aad u daran.

Tobankii sano ee la soo dhaafay, gobolka Balochistan - gaar ahaan magaaladiisa Quetta - waxaa soo food saaray mowjado rabshado wata oo ay ku dhinteen in ka badan 2,200 oo qof, sida ku xusan warbixinada warbaahinta maxalliga ah ee dalkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM

Madaxweynaha Suuriya oo gaaray Maraykanka kadib markii laga saaray liiska argagixisada

Safarka Al-Sharaa ayaa loo arkaa mid calaamad u ah isbedel cusub oo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Washington iyo Dimishiq.

  • Caalamka

    09-11-2025

  • 07:15AM