Dadka Sudan oo dooranaya madaxweyne cusub iyo barlamaan

Image

April 13, 2015 (GO)- Dadweynaha dalka Sudan ayaa maanta u dareeraya goobaha cod bixinta si ay usoo doortaan madaxweyne cusub iyo xildhibaannada golaha guurtida iyo wakiillada.

Doorashadan oo ah tii ugu horreysey laga soo bilaabo markii Kooonfurta Sudan ka go'dey dalka Sudan, waxaa qaadacay inta badan axsaabta mucaaradka.

Mucaaradka ayaa ku dhaleecaynaya dowladda Madaxweyne Cumar Xasan Al-bashiir hoggaamiyo inay caburin ku hayso siyaasiyiinta mucaaradka iyo warbaahinta suuragalna ay tahay in doorashada lagu shubto.

Guddiga doorashada madaxa bannaan ee Sudan ayaa sheegay in dadka is diiwaan geliyey si ay doorashada uga qayb galaan tiradoodu gaareyso saddex iyo toban milyan.

Goobaha cod bixinta waxaa si rasmi ah loo furayaa 8:00 subaxnimo, waxayna doorashadu socon doontaa muddo saddex maalmood ah. Natiijada waxaa la shaacin doonaa 27-da bishan April.

Doorashadan waxaa ku tartamaya lix iyo toban murashax, waxaana ugu cadcad Madaxweyne Cumar Xasan Al-bashiir oo isagu dalka Sudan soo hoggaaminayey laga soo bilaabo sanadkii 1989.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM