Dagaal dhimasho sababay oo ka dhacay Djibouti

Image
Image

22 December, 2015(GO)-Ciidamada ammaanka Djibouti iyo kooxo xus dhigayay ayaa ku dagallamay caasumadda dalkaasi, waxaana ka dhashay khasaaro xooggan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

19 qof ayaa ku dhimatay is-rasaasaynta labada dhinac, dhawaaca ayaa lagu sheegay 10 ruux, waxaana la aqoon sababta rasmiga ah ee ka dambaysa dagaalka labada dhinac.

Mucaaradka Jabuuti ayaa ku eedeeyay ciidamada amniga inay si ula kac ah u laayeen shacabkaasi oo ku sugnaa madal lagu xusayay dhalashada Nabigeenna (NNKH), laakiin hadalkaas ayaa Boliisku beeniyay, waxaana taliyaha ciidankaasi Cabdullaahi Cabdi Faarax uu sheegay inay iska difaaceen kooxo hubaysan oo soo weeraray.

Dadka dhaawacmay ayaa la dhigay cusbitaallada magalada Jabuti, waxaana la soo sheegayaa dhawacyada qaybtood inay dhinteen.

Dhacdadan ayaa ku soo beegantay xilli khilaaf xooggan dhexyaallo hogaanka dalka iyo xisbiyadda mucaaradka kuwaasi oo dhaliil u soo jeediyay Ismaciil Cumar Geelle waqti uu ku dhawaaqay inuu tartamayo markii Afraad.

GAROWEONLINE

Related Articles

Iyadoo xiisaddu kor u sii kacayso, ayaa weerar lagu qaaday markab shidaal oo ku xiran dekedda Dubai

Markabka oo lagu magacaabo Al Salmi ayaa watay xamuul aad u badan oo saliid ah…

  • Caalamka

    31-03-2026

  • 07:43AM

Spain oo hawadeeda ka xirtay diyaaradaha Mareykanka ee ka qeyb qaadanaya dagaalka Iran

Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sánchez, ayaa marar badan dhaliilay dagaalka ay hoggaaminayaan Mareykanka iyo Israel.

  • Caalamka

    30-03-2026

  • 01:56PM