Dagaal ka dhacay caasumadda dalka Syria

Image

Dagaal culus ayaa lagu soo waramayaa inuu ka dhacay magaalada Dimishiq ee xarunta dalka Syria, kadib markii xoogaga mucaaradka ay weerar gaadmo ah ku qaadeen saldhigyada ciidamada dowladda.

Weerarka ayaa waxa uu ka dhacay; bariga magaalada Dimishiq, waxaana xigay duqeyn xooggan oo mucaaradka ku garaaceen xaruumaha dowladda, sida ay sheegtay Kooxda la socodka arrimaha Syria.

Dagaalyahano katirsan Ururka Fateh al-Sham, oo horey uga tirsanaa AL Qaeda ayaa fuliyay weerarka magaalada Dimishiq, kaasi oo ku billowday qaraxyo ismiidaamin ah oo lala eegtay saldhigyo cmilitary.

Diyaaradaha dagaalka Syria ayaa duqeeyay in ka badan 30 goobood oo mucaaradka ay ku sugan yihiin.

Warbaahinta dowladda Syria ayaa beenisay inay mucaaradka galeen magaalada caasimada, waxaana ay sheegeen in laga hortagay weerarkaas, oo lagu dilay Sagaal Askari iyo 12 dagaalayahano oo kamid ahaa Fateh al-Sham.

Dagaalka magaalada Dimishiq ayaa waxa uu kusoo beegmayaa maalmo kahor inta uusan furmin wareeg cusub oo wadahadalada lagu raadinayo xalka colaadda mudada lixda sano ka taagan Syria oo ka dhici doono magaalada Geneva.

Mucaaradka iyo dowladda Syria ayaa bishi December gaarey heshiis xabad-joojin ah, oo fashilmay  kadib markii ay labada dhinac ku guul dareesteen joojinta dagaalka dalkaasi.

In ka badan 320,000 oo qof ayaa lagu dilay colaadda sokeeye ee Syria, oo hadda lix sano jirsatay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM

Maxkamadda Bangladesh oo la filayo inay dil ku Xukunto Sheikh Hasina

Hasina, oo 78 jir ah, ayaa ku noolayd magangalyada New Delhi tan iyo markii ay ka carartay Bangladesh bishii Agoosto 2024.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 07:10AM