​Dagaal mar kale ka qarxay Suudaanta Koonfureed

Image

Wararka ka imaanaya magaalada Jubba ee xarunta Suudaanta Koonfureed ayaa sheegay in dagaal kale maanta dib uga qarxay magaalada kaasoo u dhaxeeya labada nin ee siyaasadda isku haya Madaxweyne Silva Kiir iyo ku-xigeenkiisa Riek Machar.

Rasaas iyo qaraxyo ayaa ruxay caasimadda Juba, kadib degenaansho jirtay saacado yar xalay, waxaana arrintaasi ka hadlay Jamciyadda Quruumaha ka dhaxaysa iyadoo golaha ammaanka QM ku dhawaaqday in dagaalka la joojiyo hadii kale wixii ka dhaca Jubba isu badali doonaan dambiyo dagaal.

Safiirka Japan ee Qaramada Midoobay Koro Bessho oo ah madaxweynaha haatan ee Golaha Ammaanka ayaa sheegay in xaaladdu tahay mid halis ah maadama la dilay askari ka tirsan nabad ilaaliyayaasha oo kasoo jeeda dalka China, halka dhowr ka yimid dalka Rwanda la dhaawacay.

Khasaaro xooggan ayaa lagu soo waramayaa in dagaalladan oo maalintii shanaad galay ay sababeen, waxaana warbaahinta gudaha tabisay in tirsada dhimashadu marayso ilaa 276 qof, halka dhaawacyadu intaas ka badanyihiin.

Afhayeen u hadlay ku-xigeen madaxweynaha dalkaasi Riek Machar, ayaa sheegay in tirada dhimashadu marayso ilaa 150 qof.

Dagaalkan cusub ee u dhexeeya ciidamada madaxweynaha Salva Kiir iyo kuwa taabacsan ku xigeenkiisa Riek Machar waxa ay keeneen cabsida ah in markale dalkaasi uu dagaal sokeeya ka bilowdo.

Labada hogaamiye ayaa dhowaantan waxay wada saxiixdeen heshiis nabadeed oo lagu soo afjarayay colaadda dalkaasi ka socota in kabadan laba sano.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM