Dalal ay ku jirto Soomaaliya oo laga qaadayo xayiraad

Image

WASHINGTON, US – Madaxweynaha la doortey ee Mareykanka, Joe Biden, ayaa sheegay in maamulkiisa uu meesha ka saari doono go’aano dhowr ah oo uu meelmariyey xukuumadii ka horeysay marka uu Donald Trump xilka kala wareego 20-ka Janaayo ee sanadkan 2020-ka.

Trump ayaa maalmihiisii ugu horeeyay ee xafiiska wuxuu mamnuucay in Mareykanka ay galaan muhaajitiinta ka imaaneysa wadamada kala ah; Chad, Iran, Libya, North Korea, Somalia, Syria, Venezuela, iyo Yemen – kuwaas oo badankooda ay dadkoo Muslim yihiin.

Isaga oo cuskanaya walaac dhanka ammaanka, Trump ayaa liiskaas wuxuu ku daray Nigeria, Eritrea, Kyrgyzstan, Myanmar, Sudan iyo Tanzania isla horaantii sanadkii lasoo dhaafay ee 2020-ka.

Sikastaba ha ahaatee, qoraal uu soo saarey Ron Klain, oo ah agaasimaha cusub ee Aqalka Cad, ayaa lagu sheegay in Biden uu saxiixi doono amaro dhowr ah isla maalintiisii koowaad ee Xafiiska Oval-ka.

Sidda ay warisay CNN, go’aanadaas waxaa qeyb ka ah kuwa xayiraada looga qaadayo dalal ay kamid tahay Soomaaliya.

"Madaxweynaha la doortey wuxuu meesha ka saari doonaa dhibaatooyinkii maamulkii Trump soo rogay, balse waxaa jiri doono bilow cusub oo wadanka horey loogu sii dhaqaajianayo," ayuu xusay.

Klain ayaa soo hadal-qaadey hadalkii kasoo yeeray Trump eek u aadanaa in uusan ka qeybgeli doonin dhaarinta madaxweynaha la doortey.

Donald Trump ayaa si weyn u naqdiyey doorashadda Biden, waxaana uu ku adkeystay in looga shubtay cod-bixinta. Balse, ma uusan soo bandhigin caddeymo sheegashadiisa xoojinaya. Wuxuu noqonayaa madaxweynihii ugu horeeyay ee daaca caleema-saarka midka bedelaya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qatar: Weerarka Doha waxaa sabab u ah fashilka Beesha Caalamka in lala xisaabtamo Netanyahu 

Qatar ayaa horey u xaqiijisay in weerarka lagu dilay xubno ka tirsan Hamas iyo askari Qatari ah, iyadoo cambaareysay ficilkaasi ay Israel ka gaysatay.

  • Caalamka

    11-09-2025

  • 11:53AM

Turkiga oo Beeniyay in Israel ay Bartilmaameedsatay Ciidamadiisa jooga Suuriya  

Wasaaradda Difaaca Türkiye waxay ugu baaqday beesha caalamka inay si degdeg ah tallaabo uga qaado Israel.

  • Caalamka

    11-09-2025

  • 11:37AM